Danjire Axmed Cabdisalaam Oo La Wareegey Xilkii Safaarada Soomaalida Ee Addis Ababa

0

axmed_cabdi_salaan_1Addis Ababa(AGGM) Axmed Cabdisalaan oo dhawaan oo dhawaan dawlada federaalka ah ee Soomaaliya u magacawday Safiirka Soomaaliya u farisiin doona dalka itoobiya ayaa si rasmi ah xilkaasi ugala wareegey Safiirki hore ee halkaasi ka shaqeyn jirey Siciid Nuur Yuusuf.

Amb: Axmed Cabdisalaan ayaa ah nin gacan saar weyn la leh dawlada Itoobiya,waxaana la sheegayaa in dawlada itoobiya magacaabistiisa si weyn u soo dhaweysayn,waxaana uu xilkaasi maanta kala wareegey Masuulkii hore u qaabilsanaa xilka Safiirnimadda ee dalka Soomaaliya halkaasi u fadhiyey.

Munaasabadan xil wareejinta oo ahayd mi si heer sare ah loo soo agaasimay,waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawlada itoobiya iyo shacab badan oo soomaaliyeed isla markaasna ku sugan Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya,waxaana munasabadaasi ahayd mid aad loo soo agaasimay.

Ugu dambeyntii Siciid Nuur Yuusuf oo isagu hore u ahaa safiirka dawlada Soomaaliya u fadhiya itoobiya ayaa isagana loo magacaabay Safiir inuu ka noqdo wadanka kale oo afrika ah,waxaana lagu inuu isna xilkaasi la wareego dhawaan,waxaana Siciid Nuur Yusuuf lagu amaanay nin wax badan qabtey intuu safiirka ahaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com