Jeneraal Cade Muuse oo Warsaxafadeed Kaso saaray Xaalada Puntland,Faroolana Eedeyn U Jeediyey

0

Gen. Cade MuuseQardho(AGGM) Bismillaahi Raxmaani Raxiim: Kowda-August waxay ahayd xuska sanad-guuradii 15aad ee Puntland. Hadalka munaasabaddaan ku aaddan ee C/raxmaan Maxamed Faroole ka soo yeeray wuxuu qaadan-waa ku noqday oo dhabanno-hays ka soo reebay dadweynaha Puntland, wuxuu si caadyaal ah u muujiyey in shacabku asiibay markuu yaqiinsaday inaan C/raxmaan rajo, soo-rayn iyo yididiilo toona looga fadhiyin.

Waxaa la gudbooneyd abbaartuna ahayd in C/raxmaan uu shacabka raali-gelin u jeediyo, Eebbana uu cafis iyo dembi-dhaaf weydiisto, markii loo fiiriyo dibindaabyadii, darxumadii iyo digaggubkii uu Puntland u geystey.

Kasmo-yarida siyaasadeed waxay gayeysiisey inuu geesinnimo u waayo qirashada inuu fashilmay oo uu Puntland daleel iyo goob silloon oo aan laga soo waaqsan ku furay.

C/raxmaan wuxuu mas’uuliyadda hayey 4 sano iyo 7 bilood, waxaa lagu xusuusan doonaa, taariikhdana ku negaadi doonta inuu hoggaaminta tusaale xun u noqday, shacabkana uuba dowladnimada nacsiiyey, markii baxaalkiisa iyo dhaqankiisa la arkay lana gensadey.

Been-sheegga, masabbidka iyo baal-marka xaqiiqadu waxay ka mid yihiin arrimaha milladdeena suubbani ay ruuxa muslinka ah uga digtey ee uu cawaaqib-xumida ku gallabsado, hayeeshee C/raxmaan inuu is-dayo laga la caal-waa.

C/raxmaan wuxuu maamulka Puntland ku dambeysiiyey iimo ay meeshii laga taabtaaba danqanayso, taasoo dhalisay in dad badani qabaan inaan hadalkiisa laga war-celin, maxaa yeelay waxaa jawaab u qalma hadalka kiisa wax-ka-soo qaadka leh.

Sidaa darteed inkastoo khudbadda Faroole ay macna yarayd, haddana waxaa laga ma maarmaan ah in si oogamar ah ereyo looga yiraahdo.

1-Nabadgelyada iyo amniga dadweynaha.

Sida la wada ogsoon yahay oo aan cidnana ka dahsoonayn muddada uu Faroole xilka hayey waxaa Puntland la soo gudboonaadey nabadgelyo-xumo iyo amni-darro tii ugu xumayd uguna darnayd ee abid soo marta, iyadoo la xusi karo:

A-Waxaa si joogto ah u dhacayey ilaa iyo haddana socda dagaallo beelo walaalo ah dhexmara kuwaas oo ay ka dhashaan khasaarooyin dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jira. Maamulku halkii uu ciidamo dhex dhigi lahaa nabadayntana uu isku hawli lahaa waa iska dhegatiraa, iyadoo loo badinayo, tuhun weyna uu ka jiro in mararka qaarkood uu maamulku oogista colaaddaba lug ku leeyahay. Waxay dad badani rumeysan yihiin in maamulku maaliyad iyo saad ku bixiyo iska hor-keenka beelaha.

B- Waxaa caado noqotay goor kastana la maleeyaa in ciidamada marar badan lagu hawlgeliyo inay fowdo iyo xasilooni-darro abuuraan, taasoo cabsi iyo degganaansho la’aan shacabka ku dhalisa.

C- Muddadii uu Faroole xilka hayey waxaa Puntland ka bilowday dilal qorshaysan oo siyasad iyo argaggixisnimo ku salaysan, arrintaas oo ay ilaa iyo hadda qiyaastii 200 qof ku dhinteen, kuwaas oo aan waxba galabsan isuguna jira isimo,aqoon-yahanno, culimaa’udiin, ganacsato, garsoorayaal iyo mas’uuliin kale.

Arrintani waxay si silloon u saamaysay sumcaddii Puntland, waxayna niyad-jab iyo quus ku riddey bulshada.

D- Waxaa dalka ku sugan ciidan Faroole u gaar ah oo calooshi-u-shaqaysato ah. Cidamadaani dalka sharci ku ma joogaan,waxayna iyagoo aad u hubaysa caga-jugleyn, kibir iyo amarti ku maraan magaalooyinka, miyiga iyo xeebaha inkastoo ay hubaal tahay inayan wax u turayn.

Dadka da’da ah ee xilligii isticmaarka soo joogey waxaa ku soo duxaya muuqaalkii ciidamadii gumeysiga ee cabburinta iyo cabsi-gelinta shacabka loo adeegsan jirey.

2-Arrimaha horumarinta.

Wax kastoo kaleba ha joogeene, C/raxmaan u ma bannaanayn inuu horumar soo hadal qaado, wuxuuse u bareeray kana badin waayey hafridda Puntland.Waxaad mooddaa inuu ciil ku raagey uu Puntland ku la dhacay, markii uu xilka la wareegey wuxuu ku tallaabsaday inuu barnaamijyadii socdey uu qaarkoodna joojiyo kuwana uu carqaladeeyo. Waxaa in lays weydiiyo mudan mashaariicda horumarineed ee uu madal kasta la gole-istaago ma kuwa meel Puntland ka baxsan laga fuliyaa, mase malaha dhowr guri oo ay kuwa ku heeraarsani dhisteen baa horumarin Puntland u la ekaaday.

C/raxmaan dib u ma fiirin barnaamijkii uu soo bandhigay markuu doorashada isu taagey, waxaan shaki ku jirin inaan la heleyn hal qodob oo farta lagu fiiqo oo barnaamijkaas ka fuley.

Waxaa u ekayd inuu cudur-daar iyo raali-gelin ka bixiyo dib-u-dhaca uu geystey iyo sida loogu hungoobey.

Maamulka guulaha sheeganayaa wuxuu gabay bal fulinteed daaye xataa inuu isku dayo ama malahaba gashado mashaariicda adeegyada bulshada, kaabayaasha, wax-soo-saarka iwm.

Waxaa cad in hoggaanka maamulku ka qatan yahay fiiro dheer iyo fikrado horumarineed.

Waxaa hubaal ah oo aan haba yaraatee shaki ku jirin in maaliyadda xad-dhaafka ah ee lagu tagrifalay ay qayb ka mid ahi dabooli lahayd mashaariic badan oo ay bulshadu mahadiso haddii loo quuro.

Deeq-bixiyaashii iyo hay’adihii maalgelinta iyo kaalmada farsamo ku deeqi lahaa waxay waayeen cid horumar ku hammiyeysa, taasoo dhalisay in mashaariic badan oo ay Puntland sed u lahayd loo leexiyo qaybaha kale ee Soomaaliya, ka dib markii la hanan waayey lana arkay inayan maamulka u degsanayn siyaasad iyo qorshe horumarineed.

3-Keli-talisnimo, caddaalad-darro iyo cabburin.

C/raxmaan, markii la doortayba wuxuu durba la soo baxay caqliyad keli-talisnimo, wuxuu mabd’a ka dhigtay anaa iri, wax kasta ama waxba, wixii aan waayo ha la wada waayo, kaan ila jirini waa iga jiraa,wuxuu moog yahay in falsafadahaasi ay hore talisyo xoog badnaa iyo quruumo u soo rogeen, qaarkoodna ay ifkaba ka suuleen, waxaa dhaaftay in ereyga “Anaa” laga cawdu-billeysto oo Alle laga hoos galo.

Wuxuu maluhu siin waayey inaan keli-talisnimo Puntland ka curan karin oo ayan reer Puntland midiidin noqon karin.

Wuxuu Faroole isagoo jilaya keli-taliyeyaal hore samaystay koox ag fadhigiisa laasunta oo hadduu qoslo la qososha, markuu caroodana ku ag oyda.

Maamulkani wuxuu jideystey meel-ka-dhaca xuquuda asaasiga ah, cabburinta iyo xabsi-u- taxaabidda dad aan dembi gelin, waxaabase ka sii daran in shakhsiyaad aan maamulkaba xil ka hayni ay awaamir dad lagu xir-xirayo bixiyaan.

Waxaa la baal maray oo deli laga xooray dastuurkii, waxaa la xalaalaystay ku tagri-falidda awoodda, waxaa la maanacay in qaladaadka maamulka la tilmaamo, waxaa caado noqotay in wixii bayaan ama mowqif ah oo muwaadiniinta ka yimaada aflagaaddo, hanjabaad iyo aabi loogu jawaabo, halkii garowsiimo iyo dheg-u-dhigid la la imaan lahaa.

Caddaaladdu waa tiirka amniga iyo kalsoonida bulshada asaaska iyo tiginka u ah, waa arrinta ugu muhimsan oo dastuur kasta makaanadda weyn ku leh. Barnaamijka uu maamulku ku shaqeeyo, caddaaladdu meel ku ma leh, waxaan daliil u ah sida caddaalad-darrada ah ee fursadaha shaqada, ganacsiga iwm. loo maamulo.

4-Barnaamij-ku-sheegga dimoqraadiyeynta.

Waxaa la ogsoon yahay inaan Faroole dimoqraaddiyad iyo maamul-wanaag looga fadhiyin, maxaa yeelay dimoqraaddiyaddu ma aha wax la jilo, balse waa aragti qaan-gaartey iyo mowqif ku-dhaqan iyo baxaal lagu muujiyo, dimoqraaddiyaddu meel ka ma soo gasho waxna la ma wadaagto keli-talisnimo, muquunin iyo nidaam faashil ah.

Hadal-haynta dimoqraaddiyaddu waxay C/raxmaan ku soo duxdey oo uu gedo cusub la yimid markii muddadiisi xil-hayntu soo ururtay oo ay gabaabsiga noqotay.wuxuu samaystay guddi-ku-sheeg uu guddi doorasho ugu magac-daray.wuxuu la soo baxay dastuur aan sharci ahayn, marjac qaanuuni ahna lahayn oo lagu sitkay lifaaq aqoon-yahannada cilmiga dastuurka iyo qaanuunka ku xeeldheer fajac ku ridey, ujeeddada ugu weyn ee talaabadaan looga gol lahaa waa kororsi sanad ah iyo 5 sano oo uu Faroole is-tusay inay u meelmarayso haddii qorshaha uu maleegey u hirgalo. Wuxuu ku dhawaaqay axsaab ban-ka-ood ah, doorasho ku sheeg iyo sanaadiiq dhuumasho waraaqo been- abuur ah lagu buuxinayo.

Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii kordhayey dareenka dadweynaha gensadey dhaqanka iyo damaca aan xadka iyo xishoodka lahayn ee maammulka, wuxuu shacabku arkay in la muquuninayo, in wax aan qaban lagu sandulleynayo, waxaa u muuqday mustaqbal foolxun oo soo fool leh.

Dareenka dadweynuhu waa sii fiday wuxuuna saameeyey dhammaan gobollada iyo degaamada Puntland, wuxuu shacabku si wadar ah diidmo uga muujiyey qorshaha maamulka, waxaa inta badan degmooyinka lagu gubey waraaqihii doorasho ku sheegga, waxaa meelaha qaarkood dil iyo dhaawac loo geystey muwadiniin waxa loogu dowgalay tahay oo keliya inay dulmiga diideen oo ay maya yiraahdeen.

Inkasta oo uu shacabku diidmada qorshaha maamulka bannaan-baxyo ka sameeyey, bayaano is daba-joog ahna ka soo saaray, haddana maamulku dheg u ma dhigin wuxuuna u bareeray is-maahin, wuxuu garan waayey in dul-qaadka shacabku xad leeyahay, taasoo keentay in barnaamijkii uu maamulku damacsanaa inuu xoog ku meelmariyo si weyn looga hor yimaado, waraaqihiina barxado lagu gubo.

Markii Qardho si gaar ah looga hadlo, Sabti July 12, 2013 nabaddoonnada, culimaa’udiinka, ganacsatada, aqoon-yahannada, haweenka iyo dhaliyarda degmada Qardho waxay ku baaqeen inayan oggolayn in warqadaha doorasho ku sheegga Qardho la keeno, waxayna diidmadaas ku soo saareen bayaan qoraal ah iyadoo ay xubno maamulka wakiil u ahi goob-joog ahaayeen.

Nasiib-darro, Isniin July 14, 2013, goor la sooman yahay oo cibaado iyo Alla ka cabsi loo fadhiyo, waxaa Qardho ku soo waaberiistey ciidan hubaysan oo magaalada rasaas ku furay dadweynahana argaggax iyo cabsi ku ridey, ciidankaas oo Garowe ka soo hayaamay wuxuu wadey warqadihii la diiddanaa, ciidanka soo duuley wuxuu geystey 5 dhimasho iyo 9 dhaawac ah, ka sokow curyaamintii ganacsiga, adeegga iyo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka saameeyey.

5-Burburka dhaqaalaha iyo ganacsiga

Maamul-xumida hoggaanku waxay sababtay hoos u dhac dhaqaale iyo ganacsigii oo curyaamey taasoo si daran u saamaysay maciishadda soona jiiddey saboolnimo aan hore Puntland u soo marin.

6-Xalaalaysiga hantida caamka ah

Maamulka uu Faroole madaxda ka yahay wuxuu ku caan baxay lunsashada iyo ku tagrifalka hantida dadweynaha iyadoo haba yaraatee ayan hufnaan iyo xisaabtan jirin.

7-Camal

Waxyaalaha Puntland sumcad-xumida u soo jiidey waa iyadoo C/raxmaan la la’yahay cid afgarata ama wax lagu ballamay ugu timaadda, wuxuu camalkiisu sababay khilaaf iyo is af-garan-waa markii loo fiirsho qaybaha kala duwan ee geyiga Puntland iyo Soomaaliya, Soomaalida ka baxsan xuduudda dalka, hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah,inuuse shacabka uu hoggaamiyo af garto iyada laga la quusey. Markii khudbooyinkii uu jeediyey dib loo jalleeco waxaa la ogaanayaa sida ay aflagaaddada iyo maagistu ugu badan tahay, dul-qaadkuna ugu yar yahay, astaamhaas oo ka fog sifaha hoggaamiye laga doonayo.

8-Weerarkii golaha wakiilada.

Waxaa la wada ogsoon yahay weerarkii uu Faroole xarunta golaha wakiilada ku qaaday ka dib markii uu dhaliyaro dabley ah dumay, halkas oo dhimasho, dhaawac iyo sumcad-xumo laga dhaxlay.waxaa qalad taariikhi ah la galay markii C/raxmaan Faroole madaxweyne loo doortay, kolkaas oo cagta la saaray tub aan la mahadin.

9-Isimada.

Isimadu waa marjaca loo la noqdo looguna irkado xallinta dhibaatooyinka bulshada la soo gudboonaada, waa tiirka dhaqanka ee nabadaynta, midaynta iyo is-walaalaysiga bulshada, waa hoyga tala-ka-bixinta danaha bulshada. Isimadii xurmada iyo qadderinta lahaa, Faroole waa iska fogeeyey oo wuxuu u geystey meel-ka-dhac iyo karaamo-dil.

Gabagabo.

In faaqidaad dhammaystiran iyo guda-gal lagu sameeyo xaaladda Puntland lagana faalloodo xeeladaha iyo tabaha faroole ma aha arrin qormo lagu koobi karo, waxaanse shaki ku jirin in goorteeda loo qalin qaadan doono.

Qoraalkani wuxuu si urursan u dulmarayaa arrimihii uu C/raxmaan khudbaddiisi uga hadlay, iyadoo ay ujeeddadu tahay in la muujiyo sida uu hadalkiisu xaqiiqada uga fog yaahay.

Gen. Cadde Muuse Xirsi