Uhuru Kenyatta & Saraakisha Ciidamada Kiiniya Oo Dacwad Ka Dhan Ay Aqbashay Maxkamadda Hague

0

JusticeLondon(AGGM) Ururadda Xaququl isaanka ee ka hawlgala dalka Soomaaliya ayaa ku guuleystey in maxkamadda dambiyadda dagaalka ee Hague ay ka aqbasho eedeymo ay u jeediyeen ciidamada kiiniya ee ku sugan dalka Soomaaliya,,waxaana la sheegay in ururadaasi ay maxkamadda dambiyadda dagaalka u gudbiyeen cadeymo muujinaya xasuuq ay ka geysteen magaalada Kisamayo iyo degaanadii kale ay soo galeen sanadkii hore.

Maxkamadda Dambiyadda Dagaalka ee ICC ayaa la sheegay inay jawaab deg deg ah dacwadaasi ka bixisay isla markaasna ay dalbaday inay baaritaano ku sameyso dhibaatooyinka ciidamada kiinyia laga sheegayo ee ka dhacay gobolka Jubadda hoose qaybo ka mid ah oo ay ka mid tahay Magaalada Kismaayo.

Ururadda aan dawliga ahay ee ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ciidamada kiiniya ku eedeeyeen inay gudaha Kismaayo iyo duleedada Kismaayo ka geysteen falal isugu jira kufsi, dil & Xasuuq shacab,waxaana la sheegayaa in Maxkamadda dambiyadda dagaalku Magaalada Kismaayo u soo direyso dambi barayaal  arrimahaasi baaraya.

Dacwadan ururadu qoreen waxaa la sheegay inay bartilmaameed kaga dhigteen Saraakisha ciidamada dawlada kiiniya ee kismaayo ku sugan iyo madaxweynaha dalka Kiiniya Uhuru Kenyatta,waxaana la xusayaa in Maxkamadda ICC arrimhaasi aqbashay isla markaasna maxkamad la tiigsan doonto hadii talaabooyinkasi cadaadaan.

Ururaddan ku guuleystey inay Maxkamadda Dambiyadaa dagaalku dacwadooda aqbalaan ayaa la sheegay inay qayb ka noqon doonaan kooxda baaritaanada ka sameyn doona gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan meelihii ciidamada kiiniya dhibaatada ka geysteen,waxaana ciidamada kiiniya lagu eedeynayaa inay ku kaceen falal ka baxsan hawlalaha ciidamada Amisom.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com