Sidee Loo Arkaa Shirkada Atlantic Marine And Offshore Group ?

0

CabdixakiimDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Heshiis la Saxiixatay Shirkad ilaalisa Xeebaha oo lagu Magacaabo The Atlantic Marine and Offshore Group  Taasi oo Fadhigeedu yahay Dalka Holland,  Qodobada Heshiiska ay wada gaareen Dowlada Soomaaliya iyo The Atlantic Marine and Offshore Group  ayaa inta aan u guda gelin waxa ay Bulshadu ka qabto bal aan eegno Qodobada lagu Heshiiyey

1-In lala socdo iLaha Dhaqaale ee gaarka ah.

2- in lagu Gaaf Wareego lana Kontroolo ama la Ilaaliyo si loo suga Ilaha Dhaqaale .

3- la socodka Dhaqdhaqaaqa Ganacsi iyo Dekedaha.

4- Difaaca Kheyraadka Dabiiciga ah.

5- Difaaca Kaluumaysiga Sharcidarrada ah ee Maraakiibta Ajaanibta ah iyo Waxyaabaha Saldhiga u ah.

6- ka Hortaga Sunta lagu Daadinayo Xeebaha Soomaaliya oo Khatar ku ah Dadka iyo kheyraadka Dabiiciga ah.

7- In la sameeyo Dabagallo ku aadan Badbaadada iyo ka Hortagga Adeegyada     Kontorbaannada ah.

Waxaa kale oo ka mid ah Heshiiskaas in Ciidanka Amaanka ee Xeebaha Soomaaliya Qaabilsan, ayagoo ka Saacidaya Barnaamijyo Tababar iyo in Xirfadahooda sare loo qaado, Saraakiisha iyo Ciidamada ilaalada Xeebaha.

Hadaba Waxaa Su’aalo laga keenay oo ka Guuxaya Maanka dad badan Howsha ay Shirkadaan Qaban  karto , meelihii ay hore uga  Shaqeysey si loo Ogaado Waxqabadkeedii  iyo in ay  Awoodi karto Ilaalinta Xeebta Dheer ee  Soomaaliya  leedahay,Waxaana arrintaa ka Hadley,Aqoonayahan Soomaaliyeed oo ka Gaabsadey Magaciisa oo ku Xeel dheer arrimaha Noocaan oo kale ah waxaana uu yiri “ Dad badan ayaa Rumeysan in maanta Caalamka uu Gacanta ugu jro Shirkado Awooda Howshii laga doonayey in ay  Dowladi  qabato , waxayna dadkaas Tusaale u soo qaataan Wadamada Dunida uga  Awooda badan sida Ingiriiska iyo Mareykanka oo Xitaa  Sugidda Amnaanka  iyo Nabagelyada ay Shirkado Gacanta ku hayaan.

Waxaa uu sii raaciyey Aqoonyahankaas “ waxay Shirkadahaasi  gaarka loo  leeyahay  Gacanta ku hayaan Sameynta Hubka , Diyaaradaha Gawaarida Dagaalka iyo Taangiyada , marka waxaa ila Hoboon in la tixigeliyo Awooda Shirkadaan oo aan lagu Deg degin  wax ka Sheegeeda Tusaale Sannadkii 2004 Shirkaddo gaar loo leeyahay oo ka  soo jeeda Wadamada Carabta gaar ahaan Imaaraadka Carabta waxaa  lagu wareejiyey Dekedo waaweyn oo ku yaala Gobolada Mareykanka , inkatoo Muran uu ka  dhashey Shirkadahaasi Carbeed oo markii dambe loo Ogolaadey in ay Dhisaan  Dekedahaasi, waxaan arrintaan uga dan leeyahay in Shirkadaha Caalamka aysan Xuduud lahayn oo meeshii ay la doono ay kla Howlgali karaan Heshiisna lala gaari karo.

Waxaa Haboon in aan is Xasuusino   tan markii Dowladii Dhexe meesha ka baxdey  waxaa Beylah Noqotey Biyaha  Badda Soomaaliya waxaana la iska Gurtaa  Khayraadka Dhex Ceegaaga Badda Soomaaliya sidoo kale Badda waxaa lagu Shubaa Sunta Haraaga ee Warshadaha  Nukliyeerka ee ay iska soo Fogeeyaan reer Galbeedka  oo Dhibaato ku ah  Dadka iyo Dalka  Soomaaliyeed  waana mida keentey in ay sameysmaan  wax loogu yeero Kooxaha  Burcad Badeedka  oo dadka qaar u arkaan in ay yihiin Xaq u dirir, Madaama aysan jirin Ciidamo  Soomaaliyeed oo Badda  Iaaliya

Marka laga yimaado Hadalka Aqoonyahanka oo u muuqda mid Maangal ah , waxa jira Fikrado kale oo ka soo horjeeda in Ilaalinta Badda Soomaaliya aan lagu wareejin Shrikad si gaar ah loo leeyahay kuwaas oo Door bidi lahaa in Dowlad lala Heshiiyo  intii Shirkad si gaar ah loo leeyahay lala heshiin lahaa , waxay Fikradahaan intaa ku darayaan in ay dhici karto in lala Xisaabtami waayo  haddii Shirkad gaar ah loo leeyahay Gacanta loo geliyo Ilaalinta Badda Soomaaliya oo aan ognahay in ay tahay Xeebta Afrika ugu dheer , laakiin Haddii Dowlad lala Heshiiyo waxaa la yaqaan meesha loo raacdo iyo sida loola Xisaabtamo

Shirkaddaan The Atlantic Marine and Offshore Group Heshiiska lala galey waxaa ku jira ka sokow ilaalinta Khayraadka Dhex Ceegaaga Badda Soomaaliya in ay Tababarto Ciidamo Soomaaliyeed oo ilaaliya Bada Soomaaliya maxaa Faaiido ah ayaa ku jira ama Khasaaro, qaar ka mid ah Bulshada  ayaa ku kala duwan Dhinaca Fikirka mid baa qaba in marba hadii la Tababarayo Ciidan  Badeed oo Soomaaliya leedahay in Shirkadda Howsheeda la soo dhaweeyo maadamaa  Berri (Mustaqabalka) Xilka la wareegayaan oo Shisheeye laga maarmayo , mid kalaa waxaa uu Su’aal ka keenayaa Wanaagga Shirkadaan la Imaan karto  ka sokow  Sanadaha Shirkadaan ku soo Gabagabeyneyso Heshiiska lala galey  kaasoo  aan lagu Xusin  Qoraalka Heshiiska la wada galey .

Qof kale oo ka mid ah Bulshada ayaa in kastoo uu Taxadar badan ka Muujiyey Heshiiska lala galey Shirkadaan Cusub  ayaa hadana waxaa uu isku qanciyey in uu meesha ka baxay Fikirkii Dadka qaar ay ka qabeen Shirkada Garoonka Diyaaradaha  Maamusha ee SKA  oo u muuqda mid haatan lagu qancay ka dib markii ay wax weyn ka badeshey Agaasinka Garoonka Diyaardaha ee Magaalada Muqdisho  waxaa intaa ku darey oo uu Cadeeyey  sida aaney Dowladda Federaalka u Awoodin Xiligaan in ay Ilaaliso Xeebta Dheer ee Soomaaliya oo Shirkado iyo Dowlado Shisheeye ay iska Gurtaan Khayraadka Badda Soomaaliya .

Qof kale oo ka tirsan Bulshada ayaa yiri “ Waxaan la soconaa in Dowladda Soomaaliya ay la Ciir Ciirayso Dhaqaale la’aan, ayna ku tiirsan tahay Kaalmo Shuruudo badan ku xiran oo ka timaada Caalamka, sidaas daraadeed sida ka muuqata Heshiiska Shirkadaan waxay awood u yeelanaysaa inay Badda ka ilaaliso Maraakiibta shisheeyaha ah, Dowladuna markaas awood u yeelato inay bixiso Ruqsado Kaluumaysi oo la jaan qaadi kara Heer Caalami taas oo Dowlada ka  heli karto Dhaqaale ay ku furdaamiso Dhibaatooyinka haysta” waa uu sii Hadley waxaa uu yiri “waxaa kale oo sida ka Muuqata Heshiiskaan ku jirta in Shirkadaan ay ilaalinayso Khayraadka Dabiiciga ah ee ku jira Badaha Soomaaliya, waxaana soo hoos galaya in Shirkadaha kaluumaysiga ee la siiyo Ruqsado ama Shatiyaal in lagu ilaaliyo nooca Kaluun ee ay Jilaabanayaan.

Cabdixakiim
Atlantic
Atlantic 1
Ciidanka Badda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

aminkhasaaro@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com