Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Oo Xukun Ku Riday Laba Eedeysane Maanta

0

DSC079911-466x350Muqdisho(AGGM) Maxkamadda sare ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta 2 eedeysane ku xukuntay dil iyo xarig ka dib markii racfaan ay ka soo qaateen Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida oo horey xukun ugu riday.

Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen ayaa maanta maxkamadda ku xukuntay dil Toogasho ah oo aan diya lahayn,  iyadoo uu ku eedeysnaa in fal dil ah uu u geystay 21/09/2012 Allaha u naxriistee weriye Xasan Yuusuf Cali Absuge,oo ka shaqeynayay mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho.

ka baaraan dagitaan, aaritaan dheer, cadeyn iyo marqaatiyaal ka dib in Maxkamadda ay u cadaatay in eedeysanahaan uu ka mid yahay kooxda qaran diidka ee Al Shabaab islamarkaana ay ku cadaatay in falka dilka uu u geystay marxuum Xasan Yuusuf Absuge sidaasi waxaa saxaafadda u, sheegay Afhayeenka maxkamadda darajada koowaad Kornel Cabdulaahi Maxamed Muuse “Keyse”.

Dhinaca kale dhame ka tirsanaa Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Jiinow Xasan Kulmiye  oo  ku eedeysnaa inuu isku dayay in xabsiga Dhexe ka sii daayo Nin ku xukunaa 8 sano kana tirsanaaa maleeshiyada kooxda Al Shabaab iyo fal dembiyeedyo kale,waxay maxkamaddu ku riday  xukun  8 sano ah, iyadoo laga saaray ciidamada Asluubta Soomaaliyeed iyo in  weligiis  uusan ka mid noqon Karin Ciidanka Soomaaliyeed,  sidaasi waxaa mar kale  ku dhawaaqay kornel Cabdulaahi Maxamed Muuse Afhayeenka maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida  Soomaaliya.

Maxkamadda sare Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa marka ay sameyso baaritaan dheer  ka dib xukuno ku ridaa ama sii deysaa dadka ku eedeysan falalka lagu soo eedeeyo iyadoo xabsiga dhexe ee Soomaliya  uu yahay mid amnigiisu uu suganyahay oo sinaba aan looga baxsan Karin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com