Madaxweynaha Soomaaliya Oo Si Weyn Lagu Soo Dhaweyey Kampala(Sawiro)

0

IMG_8818Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda si ay uga qeybgalaan shirka waddamada ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya. Madaxweynaha waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Wasiirka Difaaca, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, xildhibaanno, diplomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa sidoo kale Kampala ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen oo shirkii heer wasiir maanta ka qeybgashay.

Maanta makhribkii ayuu madaxweyne Xasan Sheekh kulan gaar ah la qaadan doonaa dhigiisa Madaxweyne Yuweri Musaveni oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, ciidamada AMISOM iyo shirka waddamada ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya oo maalinta berri ah ka dhici doono Kampala oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha dalka Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu shirka berry khudbad taariikhi ah ka jeedin doono oo uu uga mahadcelinayo waddamada ciidamada u soo direy Soomaaliya oo dhiigooda iyo maalkooda u huray sidii ay Soomaaliya u noqon laheyd dal nabad ah. Madaxweynahu waxuu ka warbixin doonaa horumarka ballaaran oo ay dowladdu ku tallaabsatay gaar ahaan dhanka dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab, tababaradda joogtada ah ee ciidamada Soomaaliya, iyo dib u habeynta socota ee hay’adaha amniga.

Madaxweynahu waxuu Kampala ku joogaa booqasho labo cisho ah oo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa mas’uuliyiinta dalalka kale ee ka soo qeybgali doona shirka burrito ah.

       DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,

IMG_8801IMG_8803IMG_8805IMG_8805 IMG_8808IMG_8813IMG_8818IMG_8824IMG_8828