Laba Muwaadin Soomaali Ah Oo Shil Ku Dhintey K/Afrika Laguna Aasay Cape Town (Sawiro)

0

IMG_34901London(AGGM) Labadaani Muwaadin ayaa geeriyooday Kadib Markii Gaari ay wadatay haweeney South Africaan ah oo si xowli ah u Socday uu jiiray gidaarka dukaanka, taasi oo sababtay in uu gudaha ugu galo wiilasha Soomaalida ah ee geeriyootay, iyadoo isla falkaasi ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhalinyaro Soomaali ah.  .

Haweeneyda wadatay gaariga oo qudheeda halkaa ku dhimatay ayaa warar kala duwan oo kasoo baxaya sababaha keenay in halkaasi ay gaariga ku dhufato, lagu sheegay in ay ahayd  in ay ka carareysay kooxo burcad ah oo doonayay in ay gaariga ka qaataan, waxaana ay xakameyn weyday gaariga isla markaana uu si xowli ah ku galay goobta ganacsiga oo ay ku dhinteen labo ruux halka labo kale oo iminka lagu dabiibayo isbitaal ku yaala magaalada Cape town ay ku dhaawacmeen.

Labada ganacsade ee shilka ku geeriyooday ayaa waxaa lagu kala magaacbi jiray Xuseen Saaqeey iyo Nuur waxaana ay halkaa u tageen in ay xaliyaan khilaafaad la sheegay in uu u dhaxeeyay dhalinyaro Soomaali ah oo dukaanka wada lahaa.

Labadaan Muwaadin ayaa aas loogu Sameeyay qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Cape town waxaana kasoo qeyb galay Soomaali aad u fara badan oo ka naxay geerida naxdinta leh ee ku timid muwaadiniintaan Soomaalida ah kuwaa oo mid ka mid ah si weyn looga yaqaanay magaalada Cape Town.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

IMG_3483IMG_3484IMG_3488IMG_3492IMG_3504IMG_3507IMG_3512IMG_3513IMG_34901