Dhageysi: Mareykanka Oo Ka Digay Weeraro Al-Qaacida Uga Yimaada Safaaradihiisa

0

US-EmbassyLondon(AGGM) Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay Jimcihii in suurtagalnimada Qatarta argagixiso ay xooggantahay Bariga dhexe iyo Waqooyiga Africa, waxeyna u digtay muwaadiniinta Mareykanka ee dunida u kala safra. Waxaana Dawlada Mareykanku ka cabsi qabtaa in muwaadiniinteeda ay dhibaateeyaan kooxaha Argagixisada ahi.

Wasaaradu waxey sheegtay in laga yaabo weerar Al-qacida ay ka soo maleegaan Gacanka Carbeed halkaasi oo kooxaha argagixisada ahi ka geysan karaan weeraro kala duwan oo ay ka mid yihiin ismidaamin iyo toogasho,waxaana gacanka carbeed ku badan kooxaha argagixisada ah ee xirirka la leh Al-Qaacida.

War ka soo baxay wasaaradda Arimaha dibadda ayaa intaasi ku daray in al-Qaida iyo ururada ay xulufada yihiin laga yaabo inay weeraro ka geystaan meelo dunida ka mid ah laga bilaabo waqtigan la joogo ilaa iyo dhamaadka bisha August. Hadalkan wasaarada arrimaah dibedda dawlada mareykanka ka soo baxay ayaa ah mid ay u dhego nugeylayaan muwaadiiniinta mareykanka ahi.

Ugu dambeyntii digniintan ayaa ku soo beegmeysa maalin ka dib markii Mareykanka uu sheegay inuu xirayo tira ka mid ah safaaradihiisa iyo Qunsuliyadihiisa dunida oo dhan maalinta Axadda ee soo socota sababo dhinaca amaanka ah. Waxaana lagu wadaa in dawladu mareykanku dibbu shaacin doonto xilliga safaraadaha iyo qunsuliyadaha ay ku leeyihiin wadamo badan dib u shaqo bilaabi doonaan.

[ca_audio url=”http://realaudio.rferl.org/voa/SO/2013/08/03/4f1347cc-3834-45be-88ae-7342d9a5896f.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com