Daawo Riwaayadii Is Magacaw Ee Dhawaan Oo Baxday,Suldaanka Dadka & Suldaanka Dadka Soo Dhalan Doona

0

mqdefault-72Hargeysa(AGGM): Shir Jaraa’iid oo ay  qabteen Suldaanada kala ah Suldaanka Dadka Iyo Suldaanka  dadka soo dhalan doona oo baaq u direy dawladaha Masar iyo Koonfur afrika,waxaana ay ugu baaqeen inay dalka Masar ay shacabku ka dareeraan fagaaraha Taxriir isla markaasna ay u hogaansamaan dawladooda dhinaca kalena wuxuu ugu baaqay in koonfur afrika shacabka Soomaaliyeed ay ka dayaan dhibaatadda

Dhinaca kale Suldaanka dadka soo dhalan doona ayaa ugu baaqay dadka soo dhalan doona inaysan soo dhalan isla markaasna uurka hooyadood ku hakadaan inta Aabayaashood is haystaan,waxaana arrintani tahay mid riwaayad ah oo lagu bandhigyo Suldaanada soomaaliya ama cuqaasha soomaaliyeed inay ka hadlaan wax kasta oo ay jecel yihiin.

Ugu dambeyntii Riwaayadan ayaa ah mid qosol miiran ah isla markaasna ka hadlaysa xaqiiqda dalka Soomaaliya ka taagan,waxaana ay muujineysaa inay qof kasta oo soomaali ahi isu magacaabay xil isaga u gaar ah isla markaasna ay shaqadoodu noqotey ku qabso ku qadi mayside.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com