Daawo: Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo lagu eedeeyay Dhac Hanti shacab

0

1_AUG_2013-copy-1Muqdisho(AGGM) Abuukaatayaal ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mr Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf in uusan qaadi Karin dacwada Reer Cali Shire Warsame  iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho kaga socota lahaanshiyaha mulkiyada dhul uu lahaa Eebe ha u raxmadee Marxuun Cali shire Warsame oo ay eheladiisa iyo Caruurtiisu ka dayrinayaan qaabka Ilka Xanaf wax u wajahayo.

Abuukaate Cabdi Rashiid oo ka mid ah qareenada Soomaaliyeed ee Reer Cali Shire Dhulkooda u doodaya ayaa  la hadlay Warfidiyeenada  waxa uuna ku eedeeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf in uusan wax ku garsoorin si cadaalada waafaqsan isla markaana uu gacan saar la leeyahay hal dhinac oo doonaya in si aan gabasho lahayn ay u qataan hantidada shacabka iyaga o haysta Cadaynta lahaanshiyaha dhulka iyo Guryaha kuwaas oo ay Tarsan iyo Rag uu wato ay ka kireeyeen hay’ado ay lacag ka qataan uguna sheekeeyeen waa hanti doowladeed.

Garyaqaan C/rashiid  ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in uu  Ilka Xanaf ku xad gudbay Xeerka lagu qabanayo Jagada Ama maSuuliyadda uu u xil saartay qaranka Soomaaliyeed.

“ Da’diisa waa ay ka sareysaa 65 jir sidaa aawgeeda xeerka ayaanba u ogolaaneynin xilkaan” sidaasi waxaa yiri Abuukaate Cabdi Rashiid oo muujinaya Masuuliyad darada haysta Xeerka iyo Maxkmada Qaranka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Max’ud Cali Shire oo isagu Wakiil ka ah Qoyska Reer Cali Shire oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu Tilmaamay in dacwadaani ay soo socotay Muddo gaareysa 1-4 sano ayna soo mareen qareeno kala duwan walow qareenadaasi labo ka mid ah ay ku dhinteen qaraxyo ka dhacay Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir.

“ si xaq ah marka loo hadlo innaga ayaa iska leh dhulkaasi hase ahaatee Maxkamadda ay runta ka indha saabaneyso iyada oo gacan saar la leh dhanka aan is hayno” sidaasi waxaa yiri Max’ud Cali Shire oo ah wiilka uu dhalay Cali shire Milkiilihii Hantida la isku haysto.

Maxkmada Hantidan waxa ay soo jiitamaysay in mudaa waxaana in badan la isla tagay Miiska Maxkmada iyad a oo qareeno kala duwan ay howshan galeen isla markaana Dowlada Hoose ee dhulkan ku haysta caruurta Agoontaa waxa ay raga horboodayaa isku dayayaan in ay hantidaan ku tilmaamaan mid qaran oo aysan Ilma Cali Shire shuqul ku lahayn, lakin midaasi waxaa diidan Qosyka oo haysta Cadayn dhab ah oo ay ku doodayaan Sharci iyo xisdi hanoolaga garbaxo hantideedanan yaan si dadban loo dhicin.

Tan iyo intii xaalada Muqdisho ka soo raynaysay waxaa cirka isku sii shareerayay qeyla dhaanta laga muujinayo garsoorka iyo Maxkmada Sare oo lagu tilmaamo in ay ku shaqeeyaan hab laaluush xargo goostay ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com