Ciidamada Dawladda Oo Hawlgallo Culus Ka Sameeyey Degmada Heliwaa Ee Gobolka Banadir

0

Dagal-kismayoMuqdisho(AGGM) Maamulka degmada Heliwaa ee  gobolka Banaadir ayaa Faahfaahin ka bixiyay howlgal lagu soo qabqabtay ilaa Sadex qof oo qeyb ka ahaa weerar xalay Lagu soo qaaday hoyga gudoomiyaha Degmada Hiliwaa.

Godoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo arimaha bulshada ee degmada Heliwaa Max’ed Yuusuf Askari oo u waramey Radio Muqdisho ayaa sheegay in weerar banbaanooyin ah ay xaley maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ku soo qaadeen hooyga guddoomiyaha degmada isagoo xusay in ciidamadu fashiliyeen weerarkaasi.

Waxa uuna sheegey godoomiye ku xigeenka in weerarka kadib ay ciidamada howlgal ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmadaasi,  isagoo intaa ku daray in ciidamadu ay howlgalkaasi kusoo qabqabteen Sadex dhalinyaro ah iyo Bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay inammanka degmadu uu hagaagsanyahay ciidamaduna ay wadaan howlgallo joogta ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee degmadaasi.

Ugu dambeyntii degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maalmihii u danbeeyay waxa howlgallo isdaba joog ah ka wadey ciidamo lagu magacaabo Birmadka dagdaga ah kuwaas oo ah ciidamo si gaar ah loogu tababaray sugidda ammaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com