Amisom Oo Qaraxyo Lagula Beegsaday Degaanka Bariire Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

0

amisom-milateriMuqdisho(AGGM) Ciidamada Amisom ee ku sugan gobolka Shabeelaha hoose ayaa la sheegaya in maanta qaraxyo xoogan lagula beegsaday degaanka Bariire ee gobolkaasi,waxaana la sheegayaa in qaraxyadaasi lagu bartilmaameedsaday kolonyo ciidamada Amisom oo halkaasi marayey kuwaasi oo khasaare ka soo gaarey.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxyada oo ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa mid ka mid ah gawaarida Tawga loo yaqaano lala eegtay, iyadoo wax yar kadiba qarax kale kala eegtay Ciidamada. Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen kuwo aad u xoogan, hase yeeshee aanay ogaan karin qasaaraha soo gaaray ciidamada.

Al-Shabaab ayaa baraheeda Internet-ka ku soo qortay in qaraxyada ay qasaare dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen, isla markaana mid ka mid ah baabuurta ay wateen ay qarxiyeen. Inkastoo ay adag tahay in la helo warar faah faahsan oo ku aadan qasaaraha qaraxa, waxaana dadka deegaanka ku waramayaan in xaalada ay tahay mid degan.

Ugu dambeyntii ciidamada dowladda iyo kuwa Amisomayaa sanadkii la hore la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose oo ay ku jirto xarunta Gobolka ee Marka, iyadoo Al-Shabaab wali ku sugan tahay degmooyin ka tirsan Gobolka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com