Saraakisha Ciidamada Dawlada Oo Sheegay Inay Kismaayo Dib U Qabsanayaan Dhawaan

0

saney_882122080-150x150Kismaayo(AGGM) Iyadoo dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeyey ay ka socdaan duleedka Magaalada Kismaayo waxaa jira warar sheegaya in ciidamada dawladu ay u diyaar garoobeen sidii ay gacantooda ugu soo celin lahayeen Magaalada Kismaayo,waxaan saraakisha ciidamada dawladu carabka ku dhufteen inay maalmaha soo socda ee asbuucan gudaha u geli doonaan Magaalada Kismaayo.

Col Maxamed Buule oo ka mid ah Saraakisha hogaamisa ciidamada dawladda federaalka ah ee ku sugan degaanada Buulo Gagaduud iyo Goobweyn ayaa shaaciyey in ciidamadoodu aysan indhaha ka qarsan doonin dhibaatada Jabhadda Raaskambooni ka wadaan gudaha Kismaayo,waxaana uu sheegay inay Raaskambooni ku xeerooon doonaan xeryaha dawlada kiiniya ee kismaayo marka ay galaan Magaalada Kismayo.

Col Buule waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya ay soomaali leedahay isla markaasna aysan sii joogi dooni jabhadda Raaskambooni,waxaana uu xusay inay sii raaci doonaan ciidamada dawlada kiiniya. Sidoo kale waxaa uu sheegay in wada hadallo u socdeen dawlada kiiniya iyo Soomaaliya,waxaana uu sheegay inay meel wanagsan wax marayaan.

Dhinaca kale waxaa uu digniin u jeediyey ciidamada dawlada kiiniya isagoo ugu digey inay ka baneeyaan farumaha laga gallo Magaalada kismaayo isla markaasna aysan talaabo qaadin,waxaana uu sheegay in ciidamada kiiniya hadii ay isku dayaan inay dagaal la galaan ciidamadooda aysan gacmaha ka laaban doonin.

Ugu dambeyntii Col Buule waxaa u sheegey inay mustaqbalka dhaw gudaha Magaalada Kismaayo ku laabanayaan isla markaasna aysan marti ugu noqon doonin dad aan u dhalan Magaalada Kismaayo,waxaana uu shaaciyey inay dadkaasi ka bixi doonaan marka ciidamadoodu gudaha u galaan Magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com