Laba Ruux Oo Ka Soo Jeeda Beesha Sade Oo Lagu Dilay Ifo & Xagardheer Dhexdooda

0

meyKismaayo(AGGM) Wararka ka imaanaya Xeryaha qaxootiga ee waqooyi beri dalka kiiniya ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe laba nin oo dhalinyarro ah isla markaasna ka soo jeeda Beesha Sade lagu dilay degaan u dhexeya Xeradda Ifo Iyo Xagardheer,waxaana la sheegay in laba nin ee la dilay uu midkood dhintey ka kalena dhaawac halis ahi soo gaarey.

Labada nin ee dhalinyaradda ah ayaa la sheegay inay soomanayeen isla markaasna ka soo lugeeyeen Xeradda Xagardheer isla markaasna deganayeen Xeradda Ifo,waxaana la sheegay in kooxo Kareetooyin wada oo ka soo jeeda Beesha Absame isla markaasna ah ragga dhirta ama dhuxusa ka gura degaanadaasi ay arkeen labadaasi nin oo ku socda Ifo.

Kooxdan ayaa la sheegay inay joojiyeen isla  markaansna ay waydiyeen meesha ay u socdaan iyo qabiilka ay yihiin,waxaana la sheegay in labadaasi wiil ay sheegeen inay ku socdaan Xerada ifo oo ayna degan yihiin kana soo jeedaan Beesha Sade,waxaa markiiba lagu boobay  Baangadihii dhirta ay ku jarayeen,waxaana markiiba meesha ku geeriyooday mid ka mid ah iyadoo kii kalena xaaladiisa caafimaad halis ku jirto isla markaasna yaalo isbitaalka Ifo.

Wiilkan dhaawaca ayaa la sheegay inuu ku jiro koomo isla markaasna saraakisha caafimaadka ee Xeradda ifo xaaladiiisa caafimaad la tacalayaan,waxaana arriintaasi walaac xoogan ka muujiyey shacabka ku dhaqan Xeradda Ifo,waxaana arrintani tahay ti labaad ee ka dhacda xeryaha qaxootiga.

Xeryaha Qaxootiga ayaa isu bedelay Kismaayo Labaad iyo todobaadkii tagay nin dhakhtar ah oo ka soo jeeda Beesha Sade ay dileen koox ka soo jeeda Beesha Absame gaar ahaan Maxamed Subeyr,lamana yaqaano dilalka ka baxsan magaalada Kismaayo natiijadda ay ku reebi doonaan labada beelood.

Ugu dambeyntii talaabadan ayaa noqoneysa mid sii murgisa xaaladaha cakiran ee ka taagan Magaalada Kismaayo iyadoo kismaayo & degaanada Xeryaha Qaxootiga si isku mid ah loogu ugaarsanayo dadka ka soo jeeda Beesha Sade,waxaana lagu wada in talaabooyinkaas kuwo la mid ah meelo kale oo badan ka dhacaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com