Faroole Iyo Wiilashiisa Oo Caadaystey Musuq-Maasuq Baahsan

0

sons_and_father1Garoowe(AGGM) Eng. Maxamuud Caydiid Dirir Wasiirkii Warfaafinta iyo qolyo Madaxtooyada jooga oo Hay’ad mashruuc muhiim ah ka fulin lahayd Puntland kaga hor istaagey , kadib markey dalbadey in iyaga lasiiyo dhaqaale laaluush ah, (Cadeyntii baan idiin haynaa) oo ah warqadii lagu joojinayey oo uu ku saxiixan yahay wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland.

Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Puntland Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa si cad u hor istaagay Mashruucuu dhaqaale badan kasoo gali lahaa ugu yaraan 50 Qof oo Reer Puntland ah oo isugu jira dhalinyaro iyo Fanaaniinta reer Puntland, waxayna masuuliyiintaan hay’adii fulin lahayd mashruuc ka dalbadeen sharuudo laga lahaa dano gaara iney fuliyaan inteysan uguda galin Barnaamijka hadii kale shaqada ayay ka hor istaagayeen, tasoo aakhirkii dhacdey ka dib markii Hay’adii ay diidey iney fuliyaan dano gaara oo ay dalbadeen shaqsiyaad ka shaqeeya Madatooyada iyo Wasiirka Warfaafinta.

Hay’ada National Democratic Institute ee marka lasoo gaabiyo looyaqaan NDI waxay wadeen Mashruuc lagu xayeysiinayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Nidaamka Federaalisamka si shacabka Soomaaliyeed loo fahan siiyo, Macnaha Xayeysiintu ma ahan mid shaqo ku leh Qoraalka Dastuurku ka kooban yahay balse muhiimadu waxaa weeyey in shacabka Soomaaliyeed la fahansiiyo Dastuurka, dhinaca kale wax shaqo ah kuma lahan Dastuurka wax laga badalay lakiin waa Dastuurka Rasmiga ah.
Mashruuca waxaa fulinaya oo duubaya Shirkad Maraykan ah oo Qandaraas ku qaadatay duubista kana kooban dhowr shaqsi oo cadaan ah,Mashruucu wuuxuu ka kooban yahay Sadex waji oo loo qaybiyay , Garowe, Hargeysa iyo muqdisho , waxaa si gaara mashruuca inta badan lagu duiubi lahaa Puntland oo si gaara lood aneynayay maadaama Puntland lahayd fikrada Federaalka.

Waxaa la duubayaa waa aragtida Dadweynaha, iyo bilicda Caasimada Garowe oo iyada loo doortey maadaama ay Puntland tahay hooyadii Federaalka iyo Dastuurkaba, Shirkada Mareykanka ah Wax dhaqaale ah kuma bixiseen mashruuca aan ka ahayn in Shacabka Puntland uu dhaqaale kasoo galo Hotelada ay degayaan, dadka la shaqaynaya mudada duubistu socoto, fanaaniinta Puntland oo loo adeegsan lahaa dhanka fanka, heeso ku saabsan Dastuurka oo la alifayo lana qaadayo, Dhaqaale gaaraya 100,000 USD(Boqolkun oo Dollar) ayaa lagu kharash garayn lahaa Garowe oo mashruuca lagu duubi lahaa,
Waxaa kaloo intaas kasii muhiimsan Barnaamijku wuxuu ahaan lahaa mid Xayaysiin u noqonaya Caasimada Puntland iyo guud ahaan Magaca Puntland.

Maxaa ka dib dhacay.

kooxdii duubi lahaa Barnaamijka iyo Hay’ada National Democratic Institute waxaa looga yeerey Wasaarada Warfaafinta Puntland waxaana loo sheegey iney ogolaansho ay ku duubayaan Barnaamijka kasoo dalbadaan Wasaarada, Ogolaanshihii waxaa lagu xirey Lacag gaareysa 100,000 USD iney hay’adu bixiso lacagtana lasiiyo Wasiirka Warfaafinta iyo shaqsiyaad kasocdey Madaxtooyada Garowe, Hay’adii si toosa ayay u diidey iney bixiyaan lacagtaas, Waayo waxay u arkayeen in Barnaamijku yahay mid sare u qaadaya magaca Puntland iyo in shacabka Puntland ay ka heleyaan faai’do dhaqaalo(Shaqo abuurid).

Shaqsiyaad jooga Madaxtooyada oo deegsanaya Wasiirka Warfaafinta Puntland waxaa Hay’adii aakhirkii laga dalbadey lacag gaareysa 50,000 USD, iydoo si cad loogu sheegey ineysan waxba kagalin xayaysiinta ay sheegayaan in shacabka ka faaiideysanaya mashruuca.

Waxaa aakhirkii meesha ka dhashey isfahan la’aan iyo in Shirkadii Duubaysay Barnaamijka ay aad uga xumaadaan hadalka wasiirka oo ay u arkeen Masuuliad daro iyo Wax isdaba marin cad.

Shirkadii duubista Qaabilsaneyd waxay iyagoo Xanaaqsan Go’aansadeen in Mashruuca loo wareejiyo meel kale, halkaasna lagusoo duubo, sida aan Warar hoose ku helney Mashuuriicii waxaa loo wareejiyey Galmudug, shacabka Puntland waxay halkaas kuw aayeen dhaqaale gaaraya 100,000. USD waxaana si cad uga hor istaagay Wasiirka Warfaainta iyo koox fadhida Madaxtooyada oo uu u adeego.

Waxaa kaloo cajiib ah warqada uu Wasiirku Qorey bal akhrista marmarsiiyaha uu ku hor istaagay Mashruuca, Xasuuso Wasiirku waa wasiirka hada loo dalacsiiyey wasaarada Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland.

Xigasho:Raadraac.net

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Official-letter-from-PL-Gov.-to-NDI-001-page-001