Muqdisho(AGGM) Ciiddamada qalabka sida ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa xalay fashiliyay weerar ay maleeshiyada Al shabaab ku soo qaadeen fariisin ay ciidmadu ku laahaayeen duleedka magaaladaasi.
Maleeshiyaad ka tirsan haraadiga maleeshiyaadka Shabaab oo tiradooda lagu sheegay 20 nin ayaa xalay weerar ku soo qaaday fariisin ay ciidamada xooga dalka ku lahaayeen duleedka magaalada Beledweyn, waxaana ciidamadu ay halkaasi ku dileen Sadex ka mid ah malleeshiyaadkaasi oo ka cararay meydadkaasi.
Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee aaggaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maleeshiyaadkii xalay weerarka soo qaaday ay gaarsiiyeen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan ayna xaqiijiyeen dhimashada Sadex ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab.
Alshabaab ayaa isku daya inay soo xoojiyaan dagaalada ay ku qaadaan farisimaha ciidamada dawladda federaalka ah ee ku sugan degaano kala duwan,waxaana inta badan ka soo gaarta dhibaato xoogan maadama ciidamada dawladu u diyaarsan yihiin inay bisha ramadan iska difacaan weerarkada maleeshiyaadka Raaskambooni.
Ugu dambeyntii Ciidamada xooga dalka soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyn ayaa muddooyinki ugu dameeyay waxa ay qaadanayeen tababarro ku aadan sida loola dagaalamo cadowga Shabaab iyo Alqaacidda, mana jiraan wax qasare ah oo ciidamanka ka soo gaaray weerarkii xalay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com