Amisom Oo Shaacisay Inay Wax Ka Qabanayso Amni Darrada Wada Isku Xirta Muqdisho & Baydhabo.

0

Cali-Aadam-XaamudMuqdisho(AGGM) Taliska ciidanka Amisom ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ku aadan howlgallo ay kula dagaalamayaan kooxo argagixiso ah oo falal amni darro ah ka wada wadada  isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Amisom Col.  Cali Aadan Xumad oo ka hadlay  sida Amisom ugu guuleysatay isku xirka jidka Baydhabo iyo Xamar ayaa sheegay iney jiraan dhagarqabayaal mararka qaar carqaladeeya habsami usocodka howlaha wadadaasi,  sidaasi daraadeedna ay haatan wadaan qorshe ay ku doonayaan iney kusii adkeeyaan  amaanka jidkaasi.

Xumad ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Xooga dalka Soomaaliya  iyo kuwa Amisom ay wax badan ka qabteen ammaaka wadadaasi,  haddana ay qorsheynayaan sidii ay u sii adkeyn lahaayeen ammaanka wadadaasi, isagoo ku gooddiyay iney la dagaalami doonaan kooxo shabaab ah oo uu sheegayay in ay si dhuumaaleysi ah kuso galaan wadada,  islamarkaana ku dhibaateeyaan shacabka ku safra Wadadaasi.

Cali Aadan Xumad Afhayenka cidamada Amisom oo dhanka kale carrabka ku dhufta ammaanka caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa aad u amaanay ciidamada dowladda oo uu sheegay iney yihiin gesiyaal u dhabar adeygay howlahooda.

Ugu dambeyntii Ciidamada xooga dalka Soomalaiya oo gacan ka helaya kuwa Amisom  ayaa hore ugu guuleystay iney furaan waddada dheer ee isku xurta Muqdisho iyo Baydhabo kana xoreeyaan maleeshiyaadkii Shabaab ee dhibaatada ba’an ku heyay ummadda Soomaaliyeed ee ku safra wadadaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com