Shirka Golaha Wasiirada oo su’aalo lagu weydiiyay Taliyeyaasha Boliiska iyo Nabadsugida:-War-saxaafadeed

0

IMG_6003-515x343Muqdisho(AGGM) Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo su’aalo lagu weydiiyay Taliyeyaasha Boliiska iyo Nabadsugida Qaranka.

Kulankana ayaa inta badan looga hadlay arrimaha ku aadan sugida amniga ee dalka, waxayna goluhu warbixino la xariira ammaanka ka dhegeysteen Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed Jen. Cabdixakiin Daahir “Saacid”, iyo Jen. Bashiir Maxamed Jaamac, iyaga oo ka warbixiyay howlgalada ay ciidamadu wadaan ee lagu sugayo ammaanka, iyaga oo sheegay in 24 saac kasta ay ciidamada ammaanku baajiyaan falal lidi ku ah ammaanka iyo shacabka.

Taliyaha Booliska ayaa waxa uu ka warbixiyay kooxo qarxiyay labo ka mid ah baalayaasha ku shaqeeya Cadceeda oo ku yaala wadada Makka al Mukarama, isaga oo tilmaamay inay soo qabteen dad looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen falkaasi, ayna haatan ku jiraan xarunta dambi baarista ee CID-da, ayna soo bandhigi doonaan natiijada baaritaankaasi. Iyadoo sidoo kalena taliyaha Nabadsugida Jen. Bashiir uu xusay in ay laban laabayaan falalka ay uga hortagayaan kooxaha caadeystay inay amniga shacabka khal khal ku abuuraan.

Afhayeenka Xukuumada Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo warbaahinta la hadlay markii uu idlaaday kulanka Golaha Wasiirada ayaa xusay in sidoo kale kulanka looga hadlay howlaha shirkaddaha Amniga ee gaarka loo leeyahay (Private Security Companies), kuwaasoo uu xusay in dawladdu dib u eegis ku sameyneyso.

Sidoo kale, Afhayeenka  ayaa sheegay in goluhu ay fasaxeen heshiiska shirkad lagu magacaabo Bureau Veritas Pre-Inspection, oo ay horay u saxiixday dawladdii KMG aheyd, taasoo ka shaqeyn doonto hubinta tayada raashinka dibadda laga keeno iyo weliba daawooyinka, waxayna shirkaddani ka howlgashaa 120 dal oo caalamka ah, waxaana adeega shirkadani uu saamixi doonaa in la horumariyo tayada iyo caafimaadka raashinka.

—DHAMAAD—-

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mob.+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia