Mashruuc Koronto Galin Ah Oo Ka Socda Degmadda Caabudwaaq(Sawiro)

0

S25200061Caabudwaaq(AGGM) Mashruucan oo la magac baxay xooga korontada Dayax ayaa waxaa adeeg koronto oo ay yeelanayso loogu abuurayaa dagmada Caabbudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana fulinaya ganacsato deegaanka ah, iyadoo la doonayo in lagu daboolo baahida dhinaca korontada ah ee magaalada ka jirta.

Dagmada Caabbudwaaq oo ah magaalo dhinacyo badan hormar ka sameysay ayaa waxa ay ka liidataa dhinaca korontada, iyadoo ganacsiga habeenkii uu waqti yar shaqeeyo sababo la xiriira koronto yari.

Cabdi Qani Shiikh Maxamuud Diini oo ah maamulaha mashruucan ayaa warbaahunta Qaranka kaga waramay qaabka mashruucan uu u socdo iyo hadafka laga leeyahay, waxana uu sheegay inay tiigsanayaan in sanadka 2014-ka marka la gaaro magaalada Caabbudwaaq ay hesho koronto ku filan oo xilli walba joogta.

Waa mashruucii ugu balaarnaa ee koronto oo laga bilaabo magaalo ka mid ah gobolka Galgaduud, waxana hadii uu dhamaado uu qeyb weyn ka qaadan karaa hormarka gobolka.

Ugu dambeyntii Cabdiqani Shiikh Cali Diini ayaa ah nin qurbe joog ah isla markaasna ganacsade ka ah dalalka dibedda,waxaana uu doonayaan inuu mashruucan uga faaiideeyo shacabka degmada Caabudwaaq oo dhibaato xoogan ku qabay koronto la,aanta degmada Caabudwaaq.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

S2520007S2520005_1S2520008S2520009S2520010S2520013S2520024S25200061