Mareykanka Oo Yemen Ku Dilay Al-Qaacida Ay Soomaali Ku Jirto

0

armed_Predator-490x273Muqdisho(AGGM) Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegey in ilaa 4 Saraakiil oo ka tirsanaa kooxaha Al-qaacid oo la sheegay in mid ka mid ah uu Soomaali yahay ay ku geeriyoodeen duqeymo ka dhacay Koonfur galbeed ee dalka Yemen.

Sida ay sheegayaan  wararka ka imaanaya dalka Yemen ilaa iyo Afar ka tirsan Kooxda  Al-Qaacida oo uu ku jiro nin la aaminsanyahay in uu Soomaali yahay ayaa ku geeriyooday koonfurta dalka Yemen,  kadib markii ay duqeysay mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Droneska.

Raggan ka tirsanaa  Al Qaacidda ee lagu dilay duqeynta ayaa waxa ay marayeen deegaan ka tirsan  gobolka Shabwa oo ku yaala koonfurta Galbeed ee Wadanka Yeman.

Warbaahinta kala duwn ee dalka Yemen ayaa sheegaya in ragani laba ka mid ah dhalasho ahaan ay kasoo jeedaan dalalka Yemen iyo Sacuudiga, mid ka mid ahna uu Soomaali yahay halka mid kalana aan la ogeyn dalka dhalasho ahaan uu ka soo jeedo.

Ragani ka tirsanaa kooxda Al qaacidda ayaa xilliga la dilayay wax ay saarnaayeen gaari xaajiyo ah oo sida la sheegay u socday gobol kale oo ka tirsanaa isla dalkaasi.

Dalka Yeman ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada ay ku badan yihiin hogaamiyaasha ajaanibta ah ee ka tirsan Kooxda Al-Qaacidda, waxaana inta badan gobollada dalka Yeman ku sugan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo uu mareykanku leeyahay kuwaas oo ugaarsada horjoogayaasha argagixisada Alqacidda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com