Kulan Dib U Heshisiin Ah Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose

0

shir-weyn1Muqdisho(AGGM) Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo  maanta shir dib u hishiin u qabatay odayaasha  belihii dhawaan dirirta ku dhexmartay  degaanada hoostaga gobalka Shabeelaha hoose ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho

Shirkaan dib u hishisiinta ah ee ay soo qaban qaabisay Wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa u jeedkiisu ah sidii nabad looga kala dhex dhigi lahaa beelo walaalo ah oo dhawaan markale ku dagaalaamay gobolka Shabeelaha Hoose

Xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cumar oo madasha kulanka hadal dheer ka jeediyay ayaa tilmaamay colaada dhibatooyinka laga dhaxlo, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay nabada u leedahay bulshada ku dhaqan gobolka, loona baahanyahay in nabadda laga wada shaqeeyo.

Guddoomiye kuxigeenka  gudiga xuquuq raadinta, dib u hishiisinta iyo hanta isku celinta ee Barlamaanka Federaalka  Soomaaliya Jawaahir Axmed ayaa odoyaasha dhaqanka ka codsatay in ay adkeeyaan midnimada iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka gobolka.

Wasiir ku xigeynka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane Jamac Axmed Maxamed “Jaamac Oday” ayaa sharaxay muhiimada shirka, isagoo tilmaamay in uu yahay mid looga gol’leeyahay in lagu dhex dhexaadiyo labo beel oo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Hoose

Cabdullaahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda oo gaba gabadii shirkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa soo dhaweeyay qabsoomida shirka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay ka soo bixi doonaan go’aanno wax ku ool ah.

Dhawaan ayey ahayd markii wafdi Wasiiro iyo xildhibaano isugujira , islamarkaana uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ay gaareen deegaanno ka tirsan gobolka shabeelaha hoose, iyagoo xabad joojin kala dhex dhigay maleeshiyaadka labada beel ee halkaasi ku dagaalamay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com