Dhibaatada Jabhadda Raaskambooni Ka Wadaan Kismaayo Oo Xoogeysatey

0

17921Kismaayo(AGGM) Magaalada Kismaayo gaar ahaan Xaafadaha Via Afmadow iyo Guulwade ayaa la sheegaya in dhibaatada ay ku hayaan ciidamada Raaskambooni noqdeen kuwo faraha ka sii baxaya,waxaana la sheegaya inay Jabhadda Raaskambooni ay bartilmaameed ka dhigteen guryo ka mid ah xaafadahaasi.

Guryaha Bartilmaameedka ay ka dhigteen Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegaya inay yihiin xaafado ay leeyihiin saraakiil ka tirsan ciidamada Maamulka Bare Hiiraale,waxaana wararku intaasi ku darayaan inay jiraan caruuro ay dhaleen saraakishaasi isla markaasna qaarkood jiraan 10 sano oo ay jirdileen ciidamada Jabhada Raaskambooni.

Arrintan waxaa walaac xoogan ka muujinaya shacabka kale ee ku dhaqan magaalada Kismaayo kuwaasi oo sheegay inaysan waligood arag dhaqanka murugsan ee Jabhadda Raaskambooni ay la timid Magaalada Kismaayo,waxaana ay ku tilmaameen dhaqamadaasi inay reebi doonaan dhibaatooyin aan kala har lahayn.

Sidoo kale waxaa la sheegaya inay guryaha qaarkood ka qaabteen xalay alaabooyin muhiim ah kuwaasi oo la sheegay inay u qaateen dhinaca Magaalada Gaarisa,waxaana alaabooyinkaasi lagu tilmaamay inay ka mid yihiin Qalabka Hurdada, & Jukooyinka,waxaana la sheegayaa in suuq alaabada celiska ah lagu iibiyo ay ka fureen Magaalada Gaarisa.

Ugu dambeyntii dhaqanka Jabhadda Raaskambooni ayaa ah mid aan lagu aqoon Soomaalida,waxaana taasi cadeyneysaan inaysan asal ahaan ka soo jeedin dhulka Soomaaliyeed isla markaasna ay kismaayo keeneen dhaqamadiii iyaga lagula kici jirey ee Gobollada Kilinka 5aad iyo Gaarisa Gubaay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com