Dhageyso: Mudanayaasha Baarlamaanka oo Maanta Meel Mariyay Kordhinta Qarashaadka Miisaaniyada Sanadka

0

Mudane-Jawaari-150x150Muqdisho(AGGM) Ajandaha kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa waxa uu ka koobnaa 3 qodob oo kala ah dib u eegista warbixinta sharciga maamulada gobollada iyo degmooyinka dalka, warbixinta gudiga maaliyada,hadal jeedinta guddoonka iyo xiritaanka kalfadhiga koowaad ee aan caadiga aheyn.

Furitaanka fadhiga baarlamaanka kadib waxa ay xildhibaanadu diideen in ajandaha lagu soo daro warbixinta dib u eegista sharciga maamulada gobollada iyo degmooyinka dalka,iyagoo sheegay in sharcigan horoy baarlamaanku uu u meel mariyay awood aan madaxweynaha aheyna aan dib loogu soo celin karin.

Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee soomaaliya mudane Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) ayaa xildhibaanada ka qanciyay qaabka uu u soo celiyay sharcigan,isagoo sheegay in sharciga ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya dastuurka dalka sidaa darteena uu go,aansaday in uusan madaxweynaha u gudbin sharcigan,waxana uu ajandihii maanta ka saaray warbixinta dib u eegista sharciga maamulada gobollada iyo degmooyinka Dalka.

Intaasi kadib waxaa la guda galay ajandaha kale oo ahaa dhageysiga warbixinta gudiga maaliyada oo iyaga iyo wasaarada maaliyada markii ay wada fariisteen ka dib ay soo saareen qaabka ay kororka ugu sameeyeen miisaaniyada dowlada iyadoo mudanayaashii hore ee baarlamaanka bajad loogu daray miisaaniyada dowlada.

Gudiga ayaa sheegay in miisaaniyada loo kordhiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha,wasaarada gaashaandhiga,wasaarada maaliyada,wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka,ciidanka xooga dalka soomaaliyeed,ciidanka booliska soomaaliyeed,ciidanka nabad sugidda,iyo maxkamada ciidamada,hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha.

Wasiirka maaliyada iyo qorsheynta xukuumada soomaaliya Maxamuud Xasan Suleeymaan oo kulanka goob joog ka ahaa ayaa ka codsaday xildhibaanadu inay meel mariyaan kordhinta qarashaadka miisaaniyada sanadka waxaana cod galiyay gudoonka iyadoo xildhibaanaduna ay codeeyeen waxana natiijada ku dhawaaqay mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari)

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in natiijada codeeynta ay noqotay in 148 xildhibaan ay ogolaadeen,hal xildhibaan uu diiday sedaxna ay ka aamuseen.

Gabagadii kulankii ugu dambeeyay ee kalfadhiga aan caadiga aheyn  ee baarlamaanka waxaa soo xiray afhayeenka golaha shacabka Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari)isaga oo sharaxay inta hindise sharciyadeed ee u suurta gashay in la meel mariyo isagoo soo xiray kulanka.

Jawaari ayaa sheegay in bishii dheeraadka ahayn oo uu shaqeeynayay baarlamaanka ay dhanka xukuumada ka soo gaareen 16 hindise sharcuyeed,isagoo sheegay in todobo ka mid ah uu baarlamaanku ansaxiyay,halka ay mudanayaasha baarlamaanka aqrinta 1aad iyo 2aad ay mariyeen 9 hindise sharciyeed.

Ugu dambeyntii afhayeenka baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka in ay tagaan bisha ay fasaxa yihiin deegaanada ay ka soo jeedaan lana soo kulmaan dadka ay matalaan,isagoo sheegay in kalfadhiga sedexaad ee baarlamaanka uu furmi doono 2da bisha September ee sanadkan.

[ca_audio url=”http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/08/Kulankii-Maanta-Baarlamanka.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com