Bax-sadka Axmed Madoobe, Kiiniya Iyo Mareykanka Oo Isku Dhegan,Maxaad Kala Socotaa ?

0

17921Kismaayo(AGGM) Horjoogaha Jabahdda Raaskambooni waxaa uu magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda hoose ku yimid si dhumasho ah isagoo lagu soo qaaday diyaarad nooca Helicopter-ta ah,waxaana la sheegay in diyaaradaasi ka soo qaaday Magaalada Gaariisa ee gudaha dalka Kiiniya.

Shiikh Axmed Madoobe ayaa Magaalada Nairobi Xabsi guri ahaan ugu jirey Huteelka ku yaala Nairobi,waxaana halkaasi su,aalo ku waydinayey labadii bilood ee la soo dhaafay Sarakiil reer Galbeed ah oo ay ugu horeyaan kuwa Mareykanku oo eedo culculus u haystey Shiikh Axmed Madoobe.

Shiikh Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay xalay kooxo Ganacsato ahi Magaalada Nairobi gaari si dhumasho ah kaga soo saareen isla markaasna saaka saqdii dhexe keeneen Magaalada Gaarisa halkaasi oo isla markiiba Diyaarad nooca mileteriga ah oo ciidamada dawlada kiiniya leeyihiin ku keentey Magaalada Kismaayo.

Ma jiraan cid ka tirsan Saraakisha Jabhadda Raaskambooni oo ka war qabay imaanshaha Shiikh Axmed Maaxmed islaam ( Axmed Madoobe) waxaana Saaka waberigii lagu war helay isagoo jooga Garoonka diyaaradaha kismaayo isla markaasna waxaa la sheegay in saraakisha Jabhadda Raaskambooni arrintaasi ay u qaadan waayeen.

Shiikh Madoobe waxaa barqadii Maanta loo soo gudbiyey Xarunta Jabhadda Raaskambooni ku leedahay magaalada Kismaayo halkaasi oo uu kula hadlay qaar ka tirsan tageerayaashiisa. Axmed Madoobe waxaa socdaalkiisa ku weheliyey laba sarkaal oo ciidamada dawlada kiiniya kuwaasi oo ka soo duulay wajeer isla markaasna diyaaradda ku soo qaaday.

Dhinaca kale waxaa la sheegaya in Safaaradda dalka Mareykanka ee ku taala Nairobi iyo dawladda kiiniya isku khilaafeen baxsashada Shiikh Axmed Madoobe iyadoo dawlada mareykanku ku amartey in si deg deg ah loogu soo celiyo Axmed Madoobe magaalada Nairobi isla markaasna loo haysto dambiyo badan oo ka mid ah dilal iyo afduub.

Saraakisha ciidamada Kiiniya ayaa la sheegay inay lacago laaluush ah ka qaateen Ganacsato Soomaaliyeed isla markaasna isku hayb ay yihiin Axmed Madoobe kuwaasi oo bixiyey kharashaad badan oo sababay inuu Axmed Madoobe ka soo baxsado Magaalada Nairobi,waxaana garoomadda diyaaradaha dalka kiiniya yaala sawiradda iyo koobiga Dukumentiga Axmed Madoobe isla markaasna waxa lagu amaray inuusan ka bixin Nairobi ilaa inta hawshiisu soo afmeermayso.

Safarka Axmed Madoobe kaga soo baxsaday Nairobi ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay qorsheyeen kooxo ganacsato ah isla markaasna gaari nooca yar yar ah ku soo qaadeen Axmed Madoobe isagoo ay ku keeneen duleedka Magaalada Gaarisa saqdii dhexe ee xalay isla markaasna halkaas ay ugu tagtey diyaarad nooca mileteriga ah ee Qumaatiga u kaca taasi oo isla saaka waberigii si juuq la,aan ah ku keentey Kismaayo.

Ugu dambeyntii dawlada Kiiniya ayaa la sheegay inay dafirtey inay gacan ka geysatay in Axmed Madoobe dib ugu laabto Magaalada Kismaayo,waxaana ay iska weecisay eedeymo uga yimid dawlada Mareykanka gaar ahaan safaaradda mareynkanku ku leeyahay dalka Kiiniya.

NB: Waxaan idin soo bandhigi doonaan qaabkii uu ku soo baxsaday Axmed Madoobe iyo Magacyadda Ganacsatada ku Gacansiiyey Baxsadkiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com