Banaan Baxyo Looga Soo Horjeedo Qaraxyadii Lala Beegsaday Safaaradda Turkiga Oo Ka Dhacay Muqdisho

0

indexMuqdisho(AGGM) Banaan Baxyadan  uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir islamarkaana ka dhacay  barxada weyn ee Taaladda Daljirka Daahson ee Degmada Boondheere  ayaa waxaa lagu taageerayay  mashaariicda horumarineed ee dowladda Turkiga ay ka wado Caasimadda dalka, iyadoo  lagu cambaareyay falkii argagaxisanimo ee kooxda dhagarta badan ee Al Shabaab ay ku weerareen xarun ay deganaayeesha shaqaalo Turki ah.

Shacabka ka kala socday 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo lagu taageerayo dowladda Turkiga, loogana soo horjeedo weerarada maleeshiyaadka Shabaab ay ku qaadaan shaqaalaha Turkiga, waxaana  dadkii banaanbaxa ka qeyb galay  ay gacanta ku wateen boorar  ay ku qornaayeen erayo ka dhan kooxda argagaxisada ee Al Shabaab.

Sidoo kale Inta dibadbaxa uu socday waxaa goobta Heeso Wadani ah oo soo jiitay dareenka  shacabka banaanbaxa kasoo qeyb galay ka qaaday fanaaniinta kooxda Hobolladda Waaberi oo goobta ku sugnaa kuwaas oo maanta dadka reer Muqdisho la qeybsanayay taageerada loo fidinayay dowladda Turkiga ee u soo gurmatay shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa u sheegay shacabka ku dhaqan  gobolka in ujeedka Al Shabaab uusan eheyn shaqaalaha Turkiga balse uu yahay daminta muuqaalka soo wanaagsanaanaya ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Maxamud Axmed Nuur “Tarsan” oo banaanbaxa soo xiray ayaa sheegay in ujeedda Al Shabaab ay tahay burburinta rajada shacabka Soomaaliyeed iyo Caasimadooda ku talaabsaday dhanka horumarka, sidaasi daraadeed loo baahanyahay in Umadda Soomaaliyeed ay meel uga wada soo jeestaan kooxdaasi Qarandiidka ah.

Banaanbaxan maanta ka dhacay barxadda taaladda Daljirka Dahsoon degmada Boondheere ee   gobolka Banaadir ayaa ahaa kii ugu balaarnaa oo lagu taageero howlaha gurmadka ah ee dowladda Turkiga ay ka wado dalkeena Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com