Agaasimihii hore ee Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo iska fogeeyay eedeen ay u jeedisay kooxda Monitoring Group, War-Saxaafadeed

0

fiqiMuqdisho(AGGM) Shir Saxaafadeedkaan wuxuu la xiriiraa eedeymo aan xaqiiqooyin la taaban karo ku qotomin oo ku xusan warbixintii u danbeysey ee kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan dabagalka Cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea, taasoo meel ka dhac ku aheyd shakhsiyadeyda, kana hor imaaneysey waxqabadkii iyo halgankii dheeraa ee aan u galey dagaalkii ka dhanka ahaa kooxaha argagixisada ah iyo wakiiladooda Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Waxaa la yaab iyo kadis igu noqotey in warbixintaas lagu xusey, “in Agaasimahii hore ee Nabadsugidda Qaranka Mr. Fiqi uu xiriir dhow la leeyahey kooxda Alshabaab”, ayagoon wax caddeyn ah oo eedeyntaas la xiriirta aan soo bandhigin. Eedda noocaan ah waa mid ay qayaxan tahey in aysan sal iyo raad toona laheyn, waana mid liddi ku ah halgankeygii la dirirka kooxaha  argagixisada, isla markaana looga dan leeyahey in lagu dhaawaco sumcadda aan bulshada ku dhex leeyahey…

Kooxda warbixintaan soo saartey haddii ay rabaan warbixinteyda iyo wax aniga igu saabsan waxey weydiin kareen bulshada Soomaaliyeed ee wanaagga jecel, Madaxdii aan soo wada shaqeyney, ama anigaba, laakin waxaa muuqata in ay wararka ka qaateen dad aan raalli ka aheyn wixii wanaagsanaa ee aan bulshada u heyney ama kuwo colaad shakhsiya qabey, tanina waxey dhaawac u geysaneysaa kalsoonida lagu qabi karo warbixinada kooxdani soo saarto.

Mudadii aan Hey’adda Nabadsugidda madaxda u ahaa, waxey aheyd mudada ugu badan oo ay dalka soo booqanayeen madax kala duwan oo caalamka ka socotey oo ay ka mid ahaayeen RW-Turkiga, Madaxweynaha Jabuuti iyo Xoghayaha Guud ee qaramada midoobey, iyo madax kale oo badan, kuwaasoo aan amnigooda mas’uul ka aheyn, waxaa qabsoomey isla mudadaas hawlihii dalka looga saarayey ku meelgaarnimada oo si nabadgalyo ku dhacey oo aan amnigooda qeyb libaax leh ka qaadaney, waxaa la xasuustaa sida aan kooxda argagixisada Shabaab uga gacan sareyney oo dhamaan falalkoodii ay doonayeen in ay ku qalqal galiyaan nabadda iyo xasiloonida aan fashiliney.. waxey tiro 5 gaareysa isku dayeen in ay shirqool dil ii dhigaan taasoo ilaahey iga badbaadiyey… ayadoo waxaasoo dhami ay jiraan lana wada ogyahey,  in maanta warkaas uu ka soo yeero kooxda UN Monitoring Group waa ayaan darro, warbixintaasina waxey garab siineysaa kooxaha argagixisada mar haddii qofkii la dagaalamey lagu eedeyey inuu xiriir dhow a leeyahey.

Ashabaab iyo kooxaha Argigixisada Soomaaliya waxaan u leeyahey aqoon dheer, ee lama lihi xiriir dhow, tanoo laga yaabo in dadka qaar ay isaga qaldantey..

Alshabaab iyo Agaasimihii hore Mr. Fiqi ma jirto meel ay iska soo gali karaan abid, waxaa ka dhexeeya dagaal iyo cadaawad dadka Soomaaliyeed ay marqaati ka yihiin, cidda warkaas laga soo wariyeyna waa cadow aan rabin inuu dalkaan dego, mana ku habooneyn UN Monitoring Group in ay warkaas beenta ah ay soo qaataan ama warbixintooda ku soo daraan.

Hadaba waxaan ku soo gaba-gabeynaa war saxaafadeedkeygaan in warkaasi yahey mid wax kama jiraan ah, aan heysan wax xujjo iyo caddeyn ah, isla markaana waxaan ugu baaqayaa kooxdaas in ay eedeymahaas meesha ka saaraan.

— Dhamaad —-

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com