Xildhibaano Maanta Siminaar Looga Furay Magaalada Muqdisho

0

DSC00813Muqidsho(AGGM) Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka,Arrimaha Bani’aadannimada, Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furtay Siminaar ku saabsan dhowridda xuquuqda Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed iyo sida looga hortagi karo amaba loo yareyn karo xadgudubyada loo geysto.

Siminaarkan oo uusoo qaban qaabiyey Gudiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka islamarkaana ay ka qeybgalayaan qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka,Xildhibaanno iyo xubno horey xilal kala duwan ugasoo qabtay dowladihii KMGka ahaa ayaa waxaa uu ka soconayaa mudo Seddex cisho ah Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayadoo dhinacyada ka qeybgalayana ay mudadaasi si gaar ah ay isku dhaafsan doonaan aragtiyo la xiriira sida loo joojin karo xadgudubyada loo geysto Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed iyo sida loo ilaalin karo xaquuqda aas aasiga ah ee ay Bulshada ku leeyihiin.

Munaasabad koobad oo Siminaarkan lagu furayey ayaa waxaa khudbad ka jeedisay Nuurto Sheekh Maxamed oo iyadu gudoomiye ka ah Somali Family & Child Care Organization (SFCC) ayaa ka warbixisay tacadiyada ay sida joogtada ah ula kulmaan oo ah kuwo aad u farabadan islamarkaana ay la kulmeen Haween ay jirdil u geysteen ragii ay u dhaxayeen amaba xaasaska u ahaayeen waxaana ay ku baraarujisay ka qeybgalayaasha Siminaarkan iney ogaadaan muhiimadda sidii lagu hirgelin lahaa dhowridda xuquuqda Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka,Arrimaha Bani’aadannimada, Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyaduna jeedisay khudbadda furitaanka Siminaarkan ayaa ka qeybgalayaasha u mahad celisay ugu horeyn waxaana ay dhanka kale ka hadashay qorshayaasha gudiga ee la xiriira muhiimad siinta iney dadweynuhu talooyin ku yeesheen xeerka Xuquuqul Insaanka Dalka ka hor inta aanay Baarlamaanku ansixin taasina ay tahay waxa dib loogu dhigay in Xildhibaannada Golaha Shacabku xeerkan ka doodaan, la tashiyadaasi dadweynaha lala sameynayana ay dhowaan si rasmi ah u bilaaban doonaan.

Siminaarkan ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada uu Gudiga Xuquuqul Insaanka,Arrimaha Bani’aadannimada,Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu jiro sidii dhowrida xuquuqda aadamiga ah ee uu leeyahay muwaadinka Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Haweenka iyo Carruurta.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoonka Baarlamaanka

DSC00775DSC00778DSC00779DSC00781DSC00783DSC00788DSC00794DSC00807DSC00809DSC00813DSC00816