Xiisado Dagaal Oo Ka Jira Gobolada Bay Iyo Gedo

0

ciidamada_xooga_dalka_MarkaMuqdisho(AGGM) Saacadihii laga soo gudbay waxaa si xawli leh goboladda Gedo iyo Bay uga socday Abaabulo dagaal oo ay wadaan ciidamada dawlada federaalka ah iyo kuwa dawlada Itooobiya,waxaana dagaaladaasi lagu sheegay kuwo lagu bartilmameedsanayo Falaagada Alshabab ee ku dhumaalaysaneysa degaanadaasi.

Abaabuladda dagaal xoogada ayaa si xawli ah uga socda degaanka Qansaxdheere ee Gobolka Bay halkaasi oo la sheegay inay Falaagada Alshabaab ku leeyihiin farisiimo  ciidan oo ay ka soo abaabulaan weerarada lagu qaado farisiimaha ciidamada dawlada federaalka ah ee ku sugan degaanadaasi.

Sidoo kale Xarunta gobolka Gedo ee Garbahaaray ayaa saacadihii la soo dhaafay laga dareemayey dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan kuwaasi oo ay wadaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya isla markaasna ku doonayaan inay weeraro ku qaadaan fariisiimo lagu tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin kooxda Alshabaab.

Ciidamada dawlada Itoobiya ayaa gacan ku siinayysa dawlada federaalka ah ee Soomaaliya sidii meesha looga saari laha Xarakada Alshabaab,waxaana dawlada itoobiya ciidamada dawlada soomaaliya ka tageereysaa dhinac saadka iyo dagaalka,waxaana xaqiiqa ah in Xarakada ALshabaab degaanadasi ka bixii doonaan.

Ugu dambeyntii hawlgalladan ayaa lagu wadaa inay sii socdaan maalmaha soo socda ilaa ciidamada dawlada itoobiya iyo kuwa xooga dalka Soomaaliya ka gaaraan degaano badan oo Alshabaab gacantooda ku jira sida Jamaame,Ilaa Jilib,waxaana la sheegaya in hawlgalkoodu gaari doono degaano badan oo ka tirsan labada Jubbo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com