Xawaaladaha "halis ayay ku jiraan"

0

130624152849_money_transfer_304x171_reuters_nocreditMuqdisho(AGGM) Hay’daha gargaarka ayaa sheegaya in xirtaanka bangiyada ee xisaabaha xawaaladaha ay halis ku tahay dadka ku tiirsan lacagaha laga soo dira dibedda. Saddex hay’adood oo warbixin ka soo saaray dalka Maraykanka ayaa sheegay in lacagta xawaaladaha lagu dira ay ka badantahay tan deeqda iyo gargaarka.

Hay’adahan oo kala ah Oxfam, Adeso ito Inter-American Dialogue ayaa sheegaya in hadii bangiyada ay sii wadaan xiritaanka xisaabaha, ay dad badan oo ku nool lacagahaas ay dhibaato weyn soo gaari doonto. Hay’adahan ayaa sheegay in lacag dhan 1.4 bilyan oo doolar loo diro Soomaaliya sand walba. Waxay sheegeen in xawaaladaha ay sidoo kale isku xiraan hay’adaha gargaarka iyo dadka u baahan, iyadoo dhaqaalaha hay’adaha inta badan la sii mariyo xawaaladaha.

 Bangiga Barclays

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo bangiga Barclays oo ahaa midka kaliye ee ay adeegsan jireen xawaaladaha uu xiray in ka badan 100 xawaaladood. Bangiyada ayaa inta badan ka cabsi qaba inay meel ugu dhacaan sharciyada ka hortagga argegixisada.

Hay’adaha warbixintan soo saaray waxay sheegayaan in xawaaladaha ay u shaqeeyaan si waafaqsan sharciyadaas.Waxay ka digayaan in tallabooyinkan ka dhanka ah xawaaladaha ay ku qasbi doonto inay ku shaqeeyaan suuq madow, taas oo adkayn doonto in hwoshooda lala socda.

Xigasho:Bbcsomali.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com