Raaci Labaad Ee Bac-Madow Oo Maanta Doolow Ka Dagay & Cabsi Soo Foodsaartey

0

timthumb.phpKismaayo(AGGM) Maanta Waxaa Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doolow dib loogu masaafuriyey raaci labaad ee kooxdii Bac-Madow iyagoo bacahoogii xambaarsan,waxaana lagu qaaday diyaarad nocoa rakaabka ah oo laga leeyahay wadanka Kiiniya,waxaana raacan yihiin qaybtii labaad ee gobolka Gedo gaarta 24 saac ee la soo dhaafay.

Kooxdan Bacaha madow ku labisan intii aysan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo loogu qaybiyey lacag dhan midkiiba 100 dollarka mareykanka ah,waxaana lagu wargeliyey inay dib ugu laabtaan degaanadii ay ka yimaadeen isla markaasna ay looga mahadnaqay sheekadii Shimbiroyahaw heesaha ee lagu qabtey Magaalada Kismaayo.

Kooxdan Bac-madowda ah waxay ku xabsinaayeen Xarunta Jaamacada Kismaayo halkaas oo dhibaato xoogan ku haysatey isla markaasna ay isla lahayeen yaa idinka saara,waxaana maanta ay nasiib u yeesheen inay dib ugu laabtaan degaanadii ay ka yimaadeen ee gobolka Gedo iyagoo aamisan in lagu shir qoolay arrinta kismaayo.

Qaar ka mid ah kooxda Bac Madowda oo warbaahinta Allgalgaduud la hadashay intii aysan ka duulin Magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay dhibaato ku haysatey Magaalada Kismaayo isla markaasna aysan xor ahayn,waxaana ay sheegeen inay ka war qabaan dhibaatada ka dhacday gudaha kismaayo isla markaasna aysan lahayn awood ay uga hadlaan balse hadda marka ay tagaan gobolka Gedo wax kasta xaqiiqda ka sheegayaan.

Kooxda Bac Madow ayaa la sheegaya inay ka cabsi qabaan inay dila u geystaan Kooxda Alshabaab oo wacad ku maray inay dilayaan cid kasta oo ka qayb gashay kulamadii ka dhacay Kismaayo ee lagu soo doortey dhawrkii madaxweyneyaal ee looga dhawaaqay Magalada Kismaayo. Kooxda Bacmadow iyo Amniyaadka Alshabab ayaa ku balansan degmooyinak gobolka Gedo ee laga soo aruuriyey lamana ogaan karro siday uga badbaadi doonaan maadama ay Alshabaab hore ugu dhaarteen.

Ugu dambeyntii kooxdan ayaa la sheegayaa inay hadda ku aruursan yihiin huteel ku yaala Doolow isla markaasna amaankooda lagu ilaalinayo iyadoo laag cabsi qabo in Kooxda Alshabab oo hore ugu dhaartey ay weeraro u qaadaan isla markaasna dilal u geystaan, kooxdan ayaa ka shaleysan dabinka looga talaabsaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com