Dhageyso: Gudoomiye Ku Xigeenkii Magaalada Baydhabo Oo Dhaawac U Geeriyooday

0

magaalada-baydhaboMuqdisho(AGGM) Maxamed Macalin Dhaladheere oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa saaka u geeriyooday dhaawac dhawaan ay u geysteen ciidamo ka tirsan kuwa dawlada federaalka ah ee gobolka Bay,waxaana dhaawaciisa maalmihi ugu dambeyey lagula tacaalayey Magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariisteen Marxuum Dhaladheere waxaa toogasho bareer ah u geystey askar ka tirsan ciidamada dawlada federaalka ah oo ku sugnaa suuqa qudaarta magaalada Baydhabo kuwaasi oo la sheegay inay doonayeen inay lacago baad ah ka qaadaan dad shacab ah oo ku sugnaa halkaasi.

Alle ha u naxariistee Maxamed Macalin Dhaladheer ayaa la xusay inuu halkaasi soo gaarey isla markaasna isu dayey inuu askartaasi la hadlo balse ay rasaas xoogan ku fureen taasi oo ka heleshay meelo muhiim ah isla markaasna sababtey inuu maanta u geeriyoodo,waxaana dhaawaciisa maalmaha yaalay isbitaal ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho halkaasi oo u markii dambe ku geeriyooday.

Ugu dambeyntii waxaa lagu sameeyey qalliimo kala duwan waana lagu guuleysan waayey in xaaladiisa caafimaad soo hagaagto,waxaana lagu wadaa in maanta maydkisia lagu aaso Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ka qayb gali doonaan saraakiil iyo Masuuliyiin ka tirsan dawladda federaalka ah,waxaana loo sameyanayaa Aas qaran.

[ca_audio url=”http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/07/Malaaq-Cali-C.rixmaan-Axmed-Shiino.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com