Dhoofinta Dhuxusha Oo Xawli Uga Socota Dekedda Kismaayo(Sawiro)

0

dhuxul-dhoof_1Kismaayo(AGGM) Saraakisha ciidamada dawlada Kiiniya Iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni ayaa si xawli ah maalmahan u wada dhoofinta Dhuxusha Magaalada Kismaayo,waxaana raritaanka dhuxushaasi si toos ah uga socdaa dekadda Magaalada Kismaayo iyadoo markab 24 bishan soo xirtey lagu daabulayo.

Markabkan ayaa aaminsan yahay inuu kireysan yahay  Ganacsato Soomaaliyeed kuwaasi oo dhuxusha u dhoofin jirey Wadanka Imaraadka Carabta,waxaana la sheegaya in Jabhadda Raaskambooni iyo Saraakisha ciidamada dawlada kiiniya ay ka qaadaan cashuur xad dhaaf ah isla markaasna ku qoraan in dhuxushaasi ay ka soo dhooftey dekedda Mombasa.

Warbaahinta Allgalgaduud waxaa maanta u suuro gashay inay gudaha u gasho Dekadda Magaalada Kismaayo isla markaasna si qarsoodi ah Mobile Sawiro uga soo qaado,waxaana halkaasi warbaahintu ku aragtey Markab nooca Xamuulka qaada ah oo Dhuxul badan lagu daad gureynayo isla markaasna aad loogu mashquulsan yahay.

Dekadda kismaayo waxaa maamulkeeda dhinaca Canshuuraha fadhiya sarkaal ka tirsan ciidamada dawlada Kiiniya isla markaasna jaraya Jiwanka ama Rasiitka lagu cashuurayo wax kasta oo ak dhoofaya iyo wax kasta oo ka soo degaya Dekadda Magaalada Kisamayo,waxaana halkaasi ku sugan koox iyana ka tirsan Jabhadda Raaskambooni oo ku mashquulsan tirinta dhuxusha dhoofeysa iyo wax soo degaya.

Sidoo kale gawaari ayaa dhuxushan lagaga soo daabulaya meel ka mid ah magaalada oo ay taalo, iyadoo sawiro lagu soo qaaday Mobil ay muujineyso dhuxusha oo lagu rarayo Markabka oo lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee dhuxul ka daabula Dekeda. Waxaana aad dhoofinta dhuxushaasi uga faaiideysatey gaadiidleyda Magaalada Kismaayo oo dhuxusha ka soo guraya meelo ka baxsan dekedda.

Ugu dambeyntiii Dhoofinta dhuxusha ee ka socota Dekeda Kismaayo ayaa waxaa uu jabinayaa cunaqabateyntii Qaramada Midoobey ku soo rogtay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, iyadoo dhowaan warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobey lagu eedeeyay Ciidamada Kenya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni in dhuxusha ay ka dhoofiyaan Dekeda Kismaayo. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhoofinta dhuxusha ee ka socota Dekeda Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

dhuxul-dhoof_1dhuxul-dhoof_3dhuxul-dhoof_3

dhuxul-dhoof_2