Doolow (AGGM): Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ayaa waxa
ay sheegayaan in raxan ka mid ah kooxdii Bacmadoow maanta laga dajiyay magaaladaasi.
Raxanta Bacmadoow ee maanta laga dajiyay magaalada Doolow ayaa ilaa hadda la xaqiijin inta ay gaareeyso tiradooda, balse waxaa laga yaabaa ilaa 40-tameeyo.
Isku soo wada duuboo Raxantan bacmadoow ee maanta ka dagay garoonka magaalada Doolow ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka muuqatay diif iyo daal fara badan, dadka reer doolowna waxa ayba u maleeyeen nimanka diyaaradu keentay inay yihiin rag beero lagu soo falanayay mudo rafaadka ka muuqdo awgiis.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com