Daawo: Maxaad Kala Socotaa Horumarka Degmadda Caabudwaaq?

0

613Muqdisho(AGGM) Degmada Cabudwaaq oo u dhaw xadka gobolka Galgaduud uu la leeyahay dalka Ethiopia ayaa xilligan waxaa ka soconaya horumar dhinacyo badan taabanaya oo leh maamul iyo bulshaba.

degmada ayaa leh maamul dowlada Federalka ah ee Soomaaliya ay magacawday  horaantii sanadkan kaas oo ku guulaysatay nabadgalyada degmada iyo waxyaabo kaleba.

Waxaa shaqaynaya adeegyadii bulshada sida garsoorka, Caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga iyo adeegyo kale oo muhiim ah, waxaana ay u muuqataa magaalo qaatay tubta nabadda iyo horumarka, iyadoo ay kaaga muuqanayaan astaamo Qaran.

Cabudwaaqayaa leh garoon diyaaradeed kaas oo horumarka magaalada qayb wayn ka qaatay, waxaana ka soo daga ama ka duula dadka shacabka ah, Mas’uuliyiinta kala duwan iyo hay’adaha samafalka.

Saldhigga Booliska degmada ayaa ka mid ah meelaha sida wanaagsan u shaqaynaya, waxaana intii aan joogay la itusay Buugii kiisaska dacwooyinka lagu diiwaan gali jiray sanadihii todobaatameeyadii iyo agab kale oo xilligaas la isticmaali jiray.

Gaashaanle sare Faarax Warsame Cilmi Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Caabudwaaq ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Saldhigan markii burburka uu dhacay ay ilaalinayeen saraakiil ka tirsan Booliskii waqtigaas ka hawlgali jiray, taas oo suuro galisay in isaga oo aan waxba laga qaadin ay dowladda mar kale ku shaqayso.

Inkastoo saldhigu uu shaqaynayo hadana waxaa ka muuqata burbur lixaad leh, waxaana uu u baahanyahay in dib u dhis lagu sameeyo.

Khaliif C/samad Cali waa madaxa arrimaha bulshada degmada Caabudwaaq waxa uu ka hadlayaa waxyaabihii u qabsoomay mudadii bilaha ahayd ee maamulkoodu shaqaynayay, waxaana uu sheegay inay ku guulasteen sugidda ammaanka degmada, howlgelinta ciidamadii kala duwanaa sida Booliska, iyo ciidanka canshuur arruurinta.

Waxaa kale oo uu sheegay inay xooga saareen hormarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo isdhexgalka bulshada, inkastoo uu xusay inaysan wali gaarsiisnayn heerkii loo baahnaa.

Xilligan oo ay soo dhawdahay munaasabadda ciidul fitriga ayaa waxaa si wayn looga dareemayaa magaalada Cabudwaaq, iyadoo ganacsigu dhaqdhaqaaq badan samaynayo, waxaana xusid mudan in Cabudwaaq aysan saamayn lacago dhawaan la soo daabacay ee magaalooyinka kale ee gobolka dhaqaalohooda hoos u dhigay, maadaama lacagahaasi ay ka dhasheen dood badan.

 

2112319910741451561381312101310
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com