Magaalada Diinsoor Oo Laga Dareemayo Sansaan Colaadeed.

0

dagaalDiinsoor (AGGM): Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa xaqiijiyay in degmada ay ka taagan tahay cabsi xoogan, kadib markii dadka ay maqleen wararka ku aadan in ciidamada dowladda ay weerar ku yihiin degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada oo garab ka helaya ciidamada Ethiopia inay weerar ku qaadayaan degmada Diinsoor halkaasi oo ay ku sugan yihiin Alshabaab.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Qansax  Dheere ayaa wararka waxay sheegayaan inay isku diyaariyeen weeraro ay ku qaadayaan fariisimaha falaagada Al Shabaab ay ku leeyihiin degmada Diinsoor, waana midda keentay baqdinta ka taagan degmada.

Maalintii sabtida taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Baay, ayaa sheegay in xilli walbaa ay diyaar u yihiin inay weerar ku qaadaan degmada Doonsoor ee gobolka Baay.

Falaagada Al Shabaab ayaa dhankooda waxay u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay iska difaacaan weerarada ciidamada dowlada kaga imaanaya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com