Maamulka Col Bare Hiiraale Oo Ka Hadlay Arrimo Badan & Ciidamo Hor Leh Oo Isu Dhiibay

0

col.hiiraale1Kismaayo(AGGM) Maamulka Jubbaland ee garabka Madaxweyne Bare Aadan Shire ”Hiiraale” ayaa maanta ka hadlay arrimo badan oo xasaasiya isla markaasna sheegay inay jiraan ciidamo badan oo maalin kasta isu soo dhiiba ciidamadooda,waxaana arrintaasi ka war bixiyey Afhayeenka Maamulka Jubbaland Xasan Qaasiim.

Xasan Qaasiim oo saaka warbaahinta la hadlayey isagoo ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo ayaa shaaciyey inay ciidamadoodu diyaar u yihiin inay dib u hantaan qabashada Magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegay in arrintaasi ay soo dhamatey isla markaasna ay sugayaan inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo saacad kasta marka amar la siiyo.

Xasan Qaasiim waxaa uu sheegay inay ciidamo gaaraya 70 askari oo qaarkood hubeysan yihiin isla  markaasna ka tirsanaa ciidamada dawladda ee ku haray Magaalada Kismaayo ay garabkoodu isu soo dhiibeen isla markaasna ay si wanaagsan u soo dhaweyeen,waxaana uu shaaciyey inay ciidamadaasi hadda ku sugan yihiin farisiimahooda.

Dhinaca kale Xasan Qaasiim oo wax laga waydiyey dagaalka cidda ay ku qadayaan,ayaa daaha ka rogey inay dagaalkaasi ku qaadi doonaan ciidamada dawladda Kiiniya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni oo uu ku tilmaamay inay yihiin daba dhilifyo aan tabar buuran lahayn isla markaasna ku daba dhuumanaya ciidamada Kiiniya.

Sidoo kale waxa uu sheegey in Qaraxyadda ka dhaca Magaalada Kismaayo ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan Jabhadda Raaskambooni isla markaasna ay ku beegsadaan ciidamada Siraliyoon si ay u hakiyaan hawlgaladda ay wadaan,waxaana uu sheegay in Raaskambooni iyo kiiniya ay ka siman yihiin dhibaateyn shacabka iyo ciidamada Siraliyoon ee ku sugan kismaayo.

Ugu dambeyntii waxaa uu Xasan Qaasiim shaaca ka qaaday inay Maalmaha soo socda Magaalada Kismaayo gacantooda dib u soo gali doonto isla markaasna ay xoog kula wareegi doonaan,waxaana uu shaaca ka qaaday inaysan jirin awood ku caabin karta inay kismaayo dib ula wareegaan,waxaana uu sheegey inay xitaa ciidamada kiiniya hadda haystaan awood ay ku caabin karaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com