Muqdisho (AGGM): Siyaasiyiin caan ah oo aad looga dhex yaqaano Bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Gole siyaasadeed oo la magac baxay ”Golaha Midnimada Qaranka iyo Xoojinta Dowladnimada Soomaaliyeed”
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen maanta labada siyaasi ayay kaga dhawaaqeen gole ay ugu magacdareen “Golaha Midnimada Qaranka iyo Xoojinta Dowladnimada Soomaaliyeed” kaasoo ay sheegeen inay rabaan inay ku saxaan kuna toosiyaan dawladnimada.
Ismaaciil Buubaa oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in ujeedkood uu yahay sidii ay u taageetri lahaayeen dawlada laguna taageero waxyaabagha ay qabatay isagoo sheegay inay jiraan fursado waaweyn oo u baahan in laga faa’ideysto.
“Halkan waxaan ku soo bandhignay warqad illaa 7 qodob ah oo aan ku cadeyneyno ujeedada golahan. Waxaana inoo muuqda labo arimmod oo waaweyn oo ah in adduunkana waa inoo soo jeeda ee laga faa’ideysto iyo tan gudaha.” ayuu yiri Ismaaciil Buubaa
Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa dhanka kale sheegay in ujeedka loo aas aasay Golahaan uu yahay sidii loo keeni lahaa Midnimada 5ta Soomaaliya oo haatan qaybo kamid ah ay xoog ku haystaan dalalka dariska la ah Soomaaliya, halka Gobolo kamid ah dalkana ayba ku dhawaaqeen ineey ka go’een Soomaaliya inteeda kale, sida Gobolada waqooyi ee lamagac baxay Somaliland.
Siyaasiyiinta ku dhawaaqay golahan siyaasadeed ayaa isla maanta sheegay in guddoomiyaha golaha uu yahay Ismaaciil Buubaa, waana markii ugu horreysay oo gole siyaasadeed oo la sheegay inuu dawlada taageerayo laga furo gudaha dalka xilli dawlada hadda jirta ay ka baxday waqtigii ku-meelgaarka.
Maalmihii danbo waxaa isa soo tarayay Siyaasiyiinta ku dhawaaqaya Golayaal Isbahaysi iyagoona sheeganaya ineey shacabka iyo umadda Soomaaliyeed samatabixinayaan, iyadoo la wada ogyahay in kuwo badan oo kamid ah siyaasiyiintaas ay kasoo qayb qaateen Burburkii iyo dhibaatadii Soomaaliya, waxaase la yaab leh maanta oo umada Soomaaliyed haystaan doowlad Caalamku aqoonsanyahay ineey ku dhawaaqaan Goloyaal u muuqdo kuwo lagu xagal daacinayo doowlada Curdunka ah.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com