Falaagada Al-Shabaab Oo Nin Reer Miyi Ah Ku Dishay Deegaanka Moqokori.

0

bastooladMuqdisho (AGGM): Maleeshiyo ka tirsan falaagada Al Shabaab ayaa la sheegay in ay dil u geysteen nin xoolo dhaqato ah oo ay ku dileen meel u dhow deegaanka Moqokori oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Makaraan Cabdi oo ku magac dheeraa Joocaar, ayaa la sheegay in maleeshiyadu ay dileen, kaddibna ay dhaceen xoolihiisa, iyagoo dhaawacay inan yar oo uu dhalay marxuumka la dilay, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle.

Taliyaha ayaa arrinta ku tilmaamay inay tahay mid lagu waxyeelleynayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in marxuumka la dilay uu ka qeyb-galay dagaal mar sii horreysay maleeshiyada al-Shabaab iyo dadka deegaanka ku dhex maray deegaannada Miyiga ee gobolka Hiiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com