Wasiirka Warfaafinta Oo Maanta Mar Kale Baarlamaanka Ka Hor Akhriyey Hindisaha Hawada & Sharciga Duulista

0

CiilMooge1Muqdisho(AGGM) Kulanka baarlamanka oo uu shir gudooominayay mudane Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) ayaa wasiirka warfaafinta,isgarsiinta iyo gaadidka cirka iyo dhulka xukuumada soomaaliya mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi markii labaad uu golaha ka hor aqriyay hindise sharciyadedka duulista rayid ka ah iyo saadaasha hawada..

Fadhiga baarlamaanka oo ay soo xaadireen 182 mudane ayey xildhibaanadu su’aalo ku saabsan sharcigan duulista rayidka iyo saadaasha hawada weydiiyeen C/laahi Ciilmooge xirsi wasiirka warfaafinta,isgaarsiinta iyo gaadiidka,waxana ka mid ahaa su’aalaha hantidii shirkadii diyaaradaha ee Somali airline iyo in ay dowlada ka war qabto diyaaradaha cidna aysan wadin oo dul heehaaba hawada soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga jawaabay su’aalahaasi iyo kuwa kale oo ay xildhibaanadu ka weydiiyeen sharcigaan duulista rayidka ah iyo saadaasha hawada,waxana wasiirka uu sheegay in hantidii shirkadii diyaaradaha ee Somali airline ay aad u badneed.

Wasiirka ayaa sheegay in uu jiray gudi ay golaha wasiiradu magacaabeen bishii labaad ee sanadkan si ay daba gal ugu sameeyaan hantida qaranka,isagoo sheegay in ay wasaarada soo gudbin doonto faahfaahin ku aadan hantidii shirkada Somali airline.

Wasiirka warfaafinta,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in diyaaradaha cidna aysan wadin ay si sharci daro ah ku isticmaalaan hawada soomaaliya oo aysan ka war qabin dowlada soomaaliya.

Aqrinta labaad ee hindise sharciyadedka duulista rayidka iyo saadaasha hawada ee uu maanta baarlamaanku ka hor aqriyay wasiirka warfaafinta isgaasiinta iyo gaadiidka ka dib waxa ay mudanayaashu galeen dooda maalinta sadaxaad ee sharciga shaqada ee wasaarada arrimaha dibada dooda ka dibna waxa uu gudoomiyuhu galiyay codka ansaxinta sharcigan,iyadoo xildhibaanadu ay qaab gacan taag ah u codeeyeen waxaana natiijada ku dhawaaqay afhayeenka golaha shacabka baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari)

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sharciga ay ogolaadeen 172 mudane 4 mudane ay diideen halka 6 mudanana ay ka aamuseen.

Baarlamaanka ayaa beri ka doodi doono sida dalka uu ku yeelan xisbiyo siyaasadeed.