Soomaali Laga Soo Masaafuriyey Holland & Sweden Oo Dib Looga Ceshay Muqdisho

0

52Muqdisho(AGGM) Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa saacadihii la soo dhaafay soo cago dhigatey Diyaarad Nooca rakaabka ah oo laga leeyahay Wadamada Reer Galbeedka,waxaana diyaaradaasi saarnaa Soomali badan oo laga soo celiyey Wadamada Holland Iyo Sweden oo magangalyo u diiday.

Taliyaha laanta Socdaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo warbaahinta La hadlay ayaa maanta shaaca ka qaaday in laanta socdaalka Soomaaliya dib u celisay dhalinyaro badan oo soomaaliyeed kuwaasi oo laga soo masaafuriyey Wadamada Holland Iyo Sweden,waxaana uu sheegay in si sharci darro ah dadkaasi looga soo dejiyey Magaalada Muqdisho isla markaasna ay dib ugu celiyeen diyaaradii siday.

Jeneraal Cabdulaahi Gaafow waxaa uu daboolka ka qaaday inaysan jirin wax xiriir ah oo dawladahasi la soo sameeyeen dawlada Soomaaliya isla markaasna ku aadan in dib dadkaasi loogu soo celiyo gudaha Soomaaliya,waxaana uu sheegay in sidii qashinkii dhalinyaradaasi loogu soo daayey garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayna diyaaradii siday ku amreen inay ku celiso meeshii ay dadkaasi  ka keentey.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay inaysan dawlada Soomaaliya iyo laanta socdaalku ka xumaateen hadii ay isafgarasho labada dal ah dadkaasi dib loogu soo celiyo balse waxaa uu sheegay inay si sharci darro ah dadkaasi uga soo dejiyeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cade,waxaana uu sheegey inay khasab ku noqotey inay diyaaradaasi iyo rakaabkii saarnaa dib loogu celiyo wadamadii ay ka soo bilowday duulimaadkeeda.

Ugu dambeyntii Wadamada Sweden iyo Holland ayaa dhalinyarro badan oo soomaaliyeed u diiday sharciga qaxootinimadda,waxaana dawladahaasi dhalinyaradaasi ku wargeliyeen inay dib ugu celinayan wadanka Soomaaliya oo hadda xaaladiisu tahay mid cakiran isla markaasna inta badan dhibaato loogu geystey shaqsiigii loo garto inuu dalka dibediisa ka yimid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com