Raisalwasaare Saacid Oo Sheegey Inay Talaabo Culus Ka Qaadayaan Alshabaab

0

SaacidMuqdisho(AGGM) Raisalwasaaraha xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Saacid Faarax Garaad oo maanta saxafada kula hadlay xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ayaa hanjabaad culus u jeediyey kooxaha argagixisada ah ee Alshabab,waxaana uu sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan Maalmaha soo socda.

Raisalwasaare Saacid waxaa uu daboolka ka qaaday inaysan waxba u dhimi doonin weerarada Alshabaab ku soo qaadayaan goobaha shacabka iyo dawlada,waxaana uu sheegay in hawlaha amaanka lagu xaqiijinayo la sii xoojin doono,waxaana u daboolka ka qaaday in beesha caalamka lagala kaashan doono sidii argagiixisada Soomaliya looga saari lahaa.

Raisalwasaare Saacid waxaa uu yiri ” Weerarada Naftood haligayaashu ku soo qadayaan goobaha shacabka iyo dawladu waxba uma dhimi doonaan hanka iyo haykalka dawladinimo,waanuna sii xoojin doonaan talaabooyinka lagu xaqiijinayo amaanka,waxaana u sheegeynaa kooxaha argagiixisada ah in talaabo adag laga qaadi doono”.

Sidoo kale waxa uu Raisalwasaare Saacid sheegey in Kooxda Alshabaab ee Argagixisada ahi ay doonayaan inay shacabka Soomaaliyeed ku xasuuqaan weeraro ismidamin ah,waxaana uu sheegey inaysan u dul qaadan dooni isla markaasna ay dawladu xaq u leedahay inay difaacdo shacabkeeda.

Shirdoon waxaa uu soo hadal qaaday weerarada Alshabaab bisha Ramadaan ka fuliyaan Gudaha dalka Waxaana uu sheegay in talaabadasi tahay mid ka baxsan shareecada islaamka isla markaasna lagu bartilmaameedsanayo shacabka Soomaaliyeed ee Masakiinta ah,waxaana uu Alshabab ku eedeyey kooxo diinta si qaldan u isticmaalaya.

Ugu dambeyntii hadalkan waxaa uu imaanayaan iyadoo Maalmaha Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen weeraro ismidaamin iyo qaraxo ah oo ay fulinayeen kooxda Alshabab kuwaasi oo hore u balan qaaday inay laban laabi doonaan weerarada ka dhanka ah dawlada iyo ciidamada Amisom.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com