Ra’iisulwasaare Saacid Oo Caawa Kulan Afur Sharafeed Ah La Qaatay Dhalinyaro Soomaaliyeed

0

CabdiFaaraxShirdoonMuqdisho(AGGM) Kulankan Afur Sharafeedka ah oo uu caawa Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya u sameeyey dhallinyarada Soomaaliyeed ee isugu jira Ardayda Jaamacadaha kuwa waxbarashada dhammeystay iyo Ururrada dhalinta qaarkooda ayeey u jeedadiisu aheyd, sidii loo sii xoojin lahaa ballan qaadkii Ra’iisul wasaaraha ee ku aadanaa in Xukuumadda ay ahmiyadda koowaad siineyso dhallinta, iyadoo dhinacyado badan looga faa’ideysan doono.

Kulanka afurka ahaa waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka Warfaafnta, Isgaariista iyo Gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi, wasiirka Kheyraadka dalka C/risaaq  Cumar Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta adeegga Bulshada, Maxamuud Macalin Yaxye, Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed iyo dhallintii kulanka lagu casuumay.

Kulanka afurka ah inta uu socday ayaa Ra’iisul wasaaraha xubnaha wasiirada iyo Dhalinta qeybahooda kala duwan waxa ay isweydaarsanayeen su’aallo ku aaddan sida waqtiga looga faa’ideysan karo dhalinta dalka ku sugan ee Wax baratay, isla markaana jawi cusub loogu abuuri lahaa kuwa kale ee iyana aan fursadda u helin in ay wax bartaan.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/weli, ayaa Warbaahinta u sheegay in muhiimaddu kulanka ay ahayd sidii Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadda uu hoggaaminayo ay dhallintada Soomaaliyeed siiyaan fursad ay ku dhageystaan, si ay uga qeyb-qaataam amniga iyo dib u dhiska dalka.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa sidoo kale xusay  in Xukuumaddu ay waddo Uruurinta qorshaha ay la tagi doonto shirka Brussels ka dhici doono ee dib u dhiska Soomaaliya xooggana lagu saari doono.

Waa Kulankii labaad uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa ay la yeeshaan qeybaha dhalinyarada Soomaaliyeed, si loo sii adkeeyo sida loo muujiyo in Xukuumaddu ay ka go’antahay dardargalinta qorshaheeda ay ku howlgalineyso Dhallinyarada Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibedda wax ku Bartay diyaarna u ah in dalkooda ay u adeeggaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com