Laba Ilmood Oo Magaalada Balanbale U Geeriyooday Baaruud Ay Cuneen.

0

isbitaalka-balanbale5Balanballe (AGGM): Labo carruur ah ayaa ku dhimatay deegaan baaddiye ah oo 5 km u jira degmada Ballanbal ee gobolka Galgaduud, mid kalena waxa uu ku jiraa xaalad khatar ah, kaddib markii ay cuneen baaruudda rasaasta, taas oo ay ku sumoobeen.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Ballanbal, Maxamuud Maxamed Cabdi Istuuraaye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in carruurtu ay dhinteen kaddib markii ay liqeen sunta baaruudda rasaasta.

Isbitaal ku yaalla degmada Ballanbal ayaa la dhigay mid kale oo la il daran sunta.

Istuuraaye ayaa sheegay in carruurtu ay ka soo wada jeedaan hal qoys ah.

Deegaannada miyiga ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku daadsan haraadiga baaruudda rasaasta iyo waxyaabaha qaraxa dhaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com