Jeneraal Qaybdiid Oo Magacaabay Hogaanka Ciidamada Nabad Sugidda Maamulka Galmudug

0

1812Galmudug-20Galkacayo(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa maanta magacaabay Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Maamulkisa,waxaana uu sheegay in Magacaabista Hogaankan cusub ee uu yeelanayaan Ciidamada Nabad Sugidda Maamulkiisu ay tahay mid muhiim ah.

Madaxweyne Qaybdiid waxaa uu shaaca ka qaaday in xilkaasi uu magacaabay Cabdirisaaq Maxamuud Shiikh Yuusuf  ” Faracade” waxaan uu ku tilmaamay in ninkaasi yahay nin ka soo bixi kara hawlaha nabad sugidda isla markaasna wax badan ka qaban doona falalka amaan daro ee ka dhaca degaanada Maamulka Galmudug.

Jeneraal Cawaale waxaa uu shaaca ka qaaday in ciidamada Nabad Sugidda Maamulkiisu maanta laga bilaabo ay yeesheen Taliye Cusub oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaah sirdoonka,waxaana uu sheegay inay talaabadaasi wax badan ka qaban doonto falalka amaan darro ee ka dhaca degaanada Maamulkisa.

Sidoo kale waxaa taliye ku xigeenka ciidamada nabad sugidda Maamulka Galmudug isagana loo Magacaabay Col Cabdi Maxamed Faarax ‘Dhafoor ‘ oo ahaa sarkaalka ka soo shaqeeyey dawladii dhexe ee Soomaaliya isla markaasna aqoon buuxda u leh hawlaha ciidamada nabad sugidda.

Labadan Masuul ee maanta la magacaabay ayaa shaaca ka qaaday inay aad ugu faraxsan yihiin inay xilalkaasi qabtaan isla markaasna ay waxbadan ka qabtaan falal amaan darro ee inta badan ka dhaca degaanadooda,waxaana ay shaaciyeen in loo baahan yahay in shacabku ku garab galaan shaqada loo idmaday.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa maanta magacaabistaasi qalinka ku duugey isagoo Labadaas Masuul kula dardaarmay inay wax ka qabtaan Falalka amaan darro isla markaasna ay kasbadaan shacabka degaanada Galmudug si amaanka degaanadasi wax badan looga qabto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com