Kismaayo(AGGM) Ku Xigeenka Jabhadda Raaskambooni Isbatoore Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo dadka qaarkood maalmahan xaaladiisa caafimaad ka dayrinayeen gaar ahaan dhinaca Maskaxda,waxaa maanta suuro gashay in koox ka tirsan Jabhadda Raaskambooni isla markaasna uu ku xigeenka u yahay ka soo duubeen isagoo hees qaadaya.
Isbatoore Fartaag ayaa la sheegayey in maalmihi la soo dhaafay aysan xaaladiisu deganeyn isla markaasna dhinaca maskaxda la aamisan yahay in laga soo jiro,waxaana la sheegayaa inuu inta badan qaadayo heeso u badan calaacal. Kooxda uu ku xigeenka u yahay ayaa la sheegay inay ka duubeen cajalo badan oo muujinaya inaysan xaaladiisa caafimaad ee dhinaca maskaxdu aysan daganeyn.
Warbaahinta Allgalgaduud waxaa u suuro gashay inay heshay qayb ka mid ah Filimadaasi kuwaasi oo muujinay Isbatoore Fartaag oo hoyga uu ka degan yahay ka qaadaya Heeso Calaacal ah,waxaana wararku intaasi ku darayaan inuu inta badan isagoo kaligiisa ah isla hadlayo.
Ugu dambeyntii Jabhadda Raaskambooni ee uu ku xigeenka u yahay ayaa wada qorsheyaal ay filimaan kala duwan uga duubayaan Isbatoore Fartaag oo hadda ku sugan Magaalada Kismaayo isagoo aaminsan inuu yahay Madaxweynaha Jabhadaasi balse aan maskixiyan deganeyn.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com