Daawo: Dowladda Oo Isbadal Ku Sameeyneysa Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose.

0

wasir-cabdi-kariin1Muqdisho (AGGM): C/kariin Xuseen Guuleed oo ahWasiirka arrimaha guddaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya,  ayaa maanta sheegay in isbeddel lagu sameynayo maamulka, saraakiisha ciidamada booliska iyo millateriga degmada Marka.

Wasiirka oo maanta ka jawaabayay su’aalo amniga la xiriira oo ay weydiiyeen xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay in booqasho ay wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayay ku tageen gobolka Shabeelaha Hoose – kaddib iska hor-imaadyo ka dhacay – ay go’aansadeen in isbeddel lagu sameeyo mas’uuliyiin loo arkay inay qayb ka ahaayeen shaqaaqada.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale sheegay inay baarayaan iska hor-imaad dhex-maray ciidamo madani ah oo ka howlgala deegaanka Mareerrey iyo ciidamada millateriga, kaas oo ay ku dhinteen laba ka tirsanaa ciidamada madaniga ah ee deegaanka.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan dalbaday in wasiirka uu hor yimaado, si ay su’aalo uga weydiiyaan dagaal beeleed ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo la sheegya inay ku lug-lahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday dadaalo oo ku donayo in lagu xaqiijiyo amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,waxaana wadooyinka waaweyn ee caasimadda Muqdisho lagu arkayaa ciidamo fara badan oo xiliyada habeenkii ah gaafwareegaya,wasiirka ayaa sidoo kale gaaray gobolka Shabeelaha hoose oo ay bilahan danbe ku dagaalamayeen maleyshiyo beeleed dadaaladaas oo u muuqda inuu ku doonayo inuu iskaga difaaco su’aalaha adag ee xildhibaanadu ay hordhigi doonaan,iyada oo ay socdaan dadaalada ay dowladda ku dooneyso sugidda amniga Muqdisho ayaa hadane waxaa sii socda falalka amni xumo ee magaalada ka dhacaya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com