London(AGGM) Ku dhowaad 51-ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyo baabuur loo adeegsaday oo lagu beegsaday deegaano ay ku badan yihiin Shiicada magaalada Baqdad.In ka badan 200-ruux ayaa ku dhaawacmay weeraradaas oo ah kuwii ugu xumaa bishan dhaca, iyadoo Ciraaq mar kale dib ugu laabaneyso qaraxyadii dhimashada badnaa muddo sanooyin kadib.
Qaraxyada ayaa lala beegsaday Suuqyo iyo meelo la dhigto gawaarida oo isugu jira goobo badan oo ka mid ah magaalada oo ay ku badan yihiin kooxaha shiicada. In ka badan 2.500 ruux ayaa ku dhintay weerarada Ciraaq tan iyo bishii April, waxaana ay ka badan tahay sanadkii 2008-dii oo sidan oo kale Ciraaq weerarada ay xiriir ka ahaayeen.
Xiisadaha u dhaxeeya Shiicada iyo Suuniyiinta ayaa mudooyinkii u dambeeyay sii xoogeysanayay, tan iyo markii dowladda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Nouri Al-Maliki oo ka soo jeeda Shiico ay xukunka la wareegtay.
Sidoo kale waxaa dhimasho badan ay ka dhacday deegaanka waqooyiga ku yaal ee Shiicada ku badan yihiin ee Sadr.Qarax kale ayaa ka dhacay Mahmudiya oo ku taala Koofurta Baqdad, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa labo ruux. Magaalada Kut ee Koofur bari ka xigta caasimada ayaa waxaa ku dhintay todobo qof, markii labo gaari oo lagu soo cabeeyay qaraxyo ay ka dhaceen.
Ugu dambeyntii tani ayaa noqoneysa bishii ugu dhimashada badneyd ee Ciraaq muddo sanado ah, iyadoo bishan Ramadaan ay weerarada noqdeen kuwo aad u kordhay. Waxaa la mooda in kooxaha ka jira wadamada Soomaliya, Afganistaan & Ciraaq ay ka wada siman yihiin xasuuqida Shacabka Wadamadaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com