Askar Ka Tirsan Ciidamada Dawlada Oo Maanta Lagu Dilay Muqdisho

0

Amisom_oo_la_dilay-620x330Muqdisho(AGGM) Gudaha Suuqa Bakaaraha waxaa maanta si bareer ah loogu toogtey laba askari oo ka tirsan ciidamada dawlada Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa,waxaana la sheegay inay dilkooda fuliyeen kooxo ku hubeysanaa Bistoolado isla markaasna waxaa la sheegay inay ka baxsadeen goobta ay dilka ka fuliyeen.

Labadan askari ee maanta la toogtey ayaa ku sugnaa Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qaybta lagu iibiyo khudaarta,waxaana la sheegay in laba wiil oo dhalinyaro ahi dilkaasi fuliyeen isla markaasna goobtaas ay ka baxsadeen,waxaana markiiba goobta dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan dawlada federaalka ah.

Ciidamada dawlada ee halkaasi soo gaarey ayaa la sheegay inay baaritaano ka sameeyeen halkaasi balse uma suuro gelin inay gacanta ku soo dhiigaan kooxiihi dilkaasi fuliyeyn,waxaana la aaminsan yahay inay dilkaasi fuliyeen kooxda Alshabaab oo bartilmaameedsada ciidamada dawlada federaalka ah iyo cid kasta oo la shaqeysa dawlada Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada oo weerarkaasi ka hadlay ayaa eedeyn dusha uga tuurey kooxda Alshabaab,waxaana ay sheegeen inay baaritaano ku sameyanayaan cidii dilkaasi fulisay isla markaasna ay sharciga hor keeni doonaan,waxaana saraakisha ciidamadu sheegeen in falal amaan darro magaalada Muqdisho ku soo bateen.

Ugu dambeyntii ma jiraan wax wara oo wali ka soo baxay Kooxda Alshabaab isla markaasna ku saabsan dilka askartaasi ee maanta la dilay,waxaana lagu wada inay saacadaha soo socda saxafada kala hadlaan dilka lagu eedeyey inay iyagu ka dambeeyeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com