Muqdisho(AGGM) Xaaladda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ayaa deggan kadib Markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xabbad joojin rasmi ah kala dhex dhigtay maleeshiyo Beeleed halkaasi ku dagaalamay ayadoo maamulka gobolkaasina uu shaaca ka qaaday iney socoto qaban qaabada dib u heshiisiin beelaha ay dirirtu ka dhaxeysay loo qabanayo.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelada Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo wareysi siiyey warbaahinta ayaa sheegay in dib u heshiisiintaasi qaban qaabadeeda ay qeyb weyn ku leeyihiin odayaasha beelaha dirirtu ay dhexmartay, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in si deg deg ah loo soo afjaridoono colaadaasi.
‘’Maamulka gobolka iyo odayaasha labada dhinac waxaan ku guuleysanay in la joogiyo xabbadda oo ciidamo la kala dhex dhigo, dowladda dhexeana wey soo faragelisay waxaana ka codsannay in Marko ama Shalaamnood la dhigo gogol nabadeed,’’ Sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha gobolkaasi C/qaadir Maxamed Nuur.
Guddoomiyaha ayaa ku taliyay in siyaasiinta iyo xildhibaannada labada Beelood ay gacan ka geystaan dhameynta colaada ayna yimaadaan magaalada Marko, isagoo ka digay in haddii aan sidaasi la yeelin ay dhici karto in colaadu dib usoo laabato.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com