Kismaayo(AGGM) Xeradda Qaxootiga ee Xagardheer waxaa xalay lagu dilay Nin dhakhtar ah oo ka soo Jeeda Beesha Sade kaasi oo ka hawlgali jirey degaanka Xagardheere ee xeradda Qaxootiga,waxaana la sheegay inay dilkiisa fuliyeen niman dhalinyaro ah oo degaankaasi ka soo jeeda.
Dilkan Dakhtarkan ayaa la sheegay inuu la xirirey shir dhawaan Xeradda Dhadhaab kaasi oo yeesheen Waxgaradka Beesha Sade ee Xeryahaasi ku dhaqan iyo kuwo isku sheegayey Golaha Amaanka Ee degaanadaasi,waxaana la sheegay in dilkan uu dabo socdo shirkaasi isla markaasna si bareer ah dhakhtarkaasi xalay loogu dilay Xerada Qaxootiga ee Xagardheer.
Dilkan Dhakhtar ayaa la sheegay inay fuliyeen dhalinyaro ka soo jeeda Beesha Absame gaar ahaan Beesha Maxamed Subeyr,waxaana la sheegey inay dhakhtaarkaasi u dileen warbixin uu warbaahinta ka siiyey wixii ka dhacay Dhadhaab ee dhexmarey waxgaradka beesha Sade iyo kooxdii Amniga isku sheegaysay.
Marxuumkan ayaa maanta lagu aasay xabaalaha xeradda Qaxootiga ee Xagardheer,waxaana la sheegay in shacabka xagardheer ku dhaqan dilka Dakhtaarkaasi aad uga xumadeen isla markaasna ku tilmaameen arrin aad looga naxo isla markaasna colaada ka aloosan dalka Soomaaliya loo raray xeryahay qaxootiga.
Waxaa sii kordhaya dhibaatada lagu hayo shacabka Beesha Sade ee ku sugan xeryaha Qaxootiga iyadoo dhawaan loo jeediyey hanjabaad iyo cago jugleyn taasi oo ay geysteen kooxo ka soo jeeda Degmada Gaarisa Gubaay ee waqooyi bari dalka kiiniya kuwaasi oo ka abtirsada Beesha Absame.
Xabsiga Gaarisa Iyo Xeryaha Qaxootiga waxa buux dhaafiyey 20 dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Beesha Sade isla markaasna loo soo dejiyey dhibaato aysan geysan isla markaasna loo ugaarsano qabiil ahaan,waxaana arriintaas dhawaan walaac ka jeediyey Ururadda Bulshda ee xeryaha Qaxootiga.
Ugu dambeyntii Colaadan faraha ka baxday ayaan si dhab ah loo ogeyn meesha ay gacan dhigan doonto,waxaana la sheegaya in maanta ay bilaabeen dadka ka soo jeeda Beesha Sade inay u soo guuraan dhinaca xadka Soomaaliya,iyagoo sheegay inaysan ku sii sugnaan karin xeryaha qaxootiga oo ay ku tilmaameen meel lagu ugaarsado dadka ka soo jeeda Beesha Sade.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com